Toogasho ka dhacday Suuqa Bakaaraha & Wararkii ugu dambeeyay

0
Monday November 19, 2018 - 08:10:35 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogasho ka dhacday Suuqa Bakaaraha & Wararkii ugu dambeeyay

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha,isla markaana waxaa loo geystay Askati ka tirsanaa Ciidamada Guutada 14-ka Octoober.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Askariga ku fuliyay dilka,iyagoona durbo goobta ka baxsaday,waxaana horey ay u sii qaateen qorigiisa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa meel aan sidaan ugu fogen Isgoyska Bakaaraha ayaa tegya Goobta,iyagoo halkaasi ka qaaday Meyda askariga.

Howlgal lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay falka dilka ah ayaa waxaa xalay Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay kusoo qabteen tiro dhalinyaro ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo loo geysto Ciidamada dowlada iyo mas’uuliyiin,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-shabaab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip