Xulka Martigalinayay Koobkia 5aad ee Gobolada Soomaliland oo Tarabuunka Alamzey Istadium sii koray iyo Ciyaartoyda Togdheer oo ku qanacay darsigii ay u dhigeen Xulka Howd.

0
Saturday December 10, 2011 - 09:23:49 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Martigalinayay Koobkia 5aad ee Gobolada Soomaliland oo Tarabuunka Alamzey Istadium sii koray iyo Ciyaartoyda Togdheer oo ku qanacay darsigii ay u dhigeen Xulka Howd.

    Xulka Gobolka Togdheer Marti galiyayna Koobka 5aad ee Ciyaaraha Gobolada Soomaaliland ayaa shalay galab ka haray Wareega 2 ee Tartankaasi ka dib markii Xula Howd ay cashar ku siiyeen Garoonkooda kuna suuldaareen 4-1 Ciyaartaasoo Howd ay soo bandhig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Gobolka Togdheer Marti galiyayna Koobka 5aad ee Ciyaaraha Gobolada Soomaaliland ayaa shalay galab ka haray Wareega 2 ee Tartankaasi ka dib markii Xula Howd ay cashar ku siiyeen Garoonkooda kuna suuldaareen 4-1 Ciyaartaasoo Howd ay soo bandhigeen Ciyaar Qurxoon Walow Togdheer Qudhedu inkastoo ay dadaaleen hadana Darsigii Howd uu ka badiyay. Ciyaaryahan Cabdicasiis 19ka Howd aya xulkiisa bilowgii ciyaarta ku hormariyay Goolkii 1aad,waxaana u labeeyay lambarka 7 oo ka mida Weeraryahanada ugu kulul Gobolka Howd iyadoo galinkii Hore lagu kala nastay 2-0 lagu hogaaminayo Xulka Martida loo ahaa....

Xamaasada Ciyaarta oo aheyd mid aad u kulul ayaa taageeryasha Togdheer waxaa la dareemay in Cadcadii garoonka iyo Kubadda Ku socotay Gobolkooda ay xamili kari waayaan waxna qaar careysani ay dhagxaan ku shiiden garoonka loogu magac daray Taageerihii Caanka ahaa ee Togdheer Alamzey.

Ciidamada Amaanka aya runtii qaaday talaabo ku dayasho mudan oo lagu sugayay amaanka Garoonka,waxana labada xul ay qeybtii danbe isku qaaden weeraro kala duwan oo u samaxay in Howd ay helaan 2 gool oo kale halka togdheerna dhamaadkii ciyaarta ay dhaliyeen Gool waxaana natiijadii ay noqotay 4-1 looga badiyay Gobolka Togdheer oo uu tababare u yahay Macalin dhoonbir.

Howd oo Hogaanka markale qabatay Guruub A ayaa kulamadeedii ku dhameysatay 6 dhibcood,waxana la filayaa inay iyaga iyo Gobolka Maroodi jeex Hargeysa ' oo la ciyaari doona Sanaag ay noqon doonaan Labada Xul ee ka soo bixi doona Guruub A.



Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'

uurdoox2011@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip