Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Howlgallada Ka Socda Gobolada Dalka

0
Thursday May 19, 2016 - 09:14:24 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Howlgallada Ka Socda Gobolada Dalka

    War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgallo ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgallo ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Shabeellaha Hoose.


Warka taliska ciidanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in isbuucaan ay ciidamada dowladda ay weerareen Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen degmooyin iyo deegaanno ay ka mid yihiin, Awdeegle, Toorotooroow ,Mareereey, Bariirre iyo Sabiib oo dhammaantoodba hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladaasi ayaa intii ay socdeen waxaa lagu sheegay in lagu dilay 14 Al-shabaab ah iyadoo lagu soo furtay maxaabiis, islamarkaana la burburiyay saldhigyo.

Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka ay ciidamada dowladda ka wadaan gobolka Shabeellaha Dhexe, dhawaana ciidamadu ay si buuxda u hanan doonaan gacan ku heynta deegaanada iyo tuulooyinka ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ka helaya kuwa AMISOM ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan gobolada qaar ee dalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip