Ka Hor Kulanka El-Clasico-da Waa Sidee Shaxda Isku Darka Real Madrid Iyo Barcelona? BBC VS MSN Midkee Shaxda Isku Darka Labada Kooxood Ku Soo Baxay?, Sidoo Kale Madrid & Baca Kooxdee Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Leh Shaxdan

0
Saturday November 21, 2015 - 01:38:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3926
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Hor Kulanka El-Clasico-da Waa Sidee Shaxda Isku Darka Real Madrid Iyo Barcelona? BBC VS MSN Midkee Shaxda Isku Darka Labada Kooxood Ku Soo Baxay?, Sidoo Kale Madrid & Baca Kooxdee Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Leh Shaxdan

    Caadiyan markasta oo la ciyaarayo kulan wayn, waxaa la sameeyaa shaxda isku darka labada kooxood, laakiin in aad Real Madrid iyo Barcelona ka soo kala doorato ciyaartoyda hal shax ah ayaa marka horeba wax adag ah. Waxaa labada kooxood ka ciyaara xidi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caadiyan markasta oo la ciyaarayo kulan wayn, waxaa la sameeyaa shaxda isku darka labada kooxood, laakiin in aad Real Madrid iyo Barcelona ka soo kala doorato ciyaartoyda hal shax ah ayaa marka horeba wax adag ah. Waxaa labada kooxood ka ciyaara xidigaha aduunka ugu fiican, waana sababta ay ku adag tahay in laga soo doorto shax ka kooban 11 ciyaartoy oo kaliya.


Si kastaba waa haddana waa in la sameeyo shaxda ugu fiican ee labada kooxood laga soo xulan karo si loo helo shaxda isku darka Madrid iyo Barca ugu fiican. Haddaba aan halkan idinkula wadaagno shax cajiib ah oo ka soo baxday isku darka labada ciyaartoy ee Madrid iyo Barcelona.

BBC Vs MSN

Waa hubaal haddii aad taageerto mid ka mid ah Real Madrid ama Barcelona in aad jeceshahay in ciyaartoyda kooxdaada shaxda lagu soo badiyo balse taasi ma aha waxa laga hadlayo, haddii aad taas doonaysana shaxda kooxdaa gaar ayaad u haysataa, laakiin waa qasab in ciyaartoy muhiim ah shaxda laga waayo si loo soo saaro koox isku dhaf ah oo labada kooxood ah.

Qofkasta oo akhristayaasha ka mid ah ayaa isku dayi kara in uu soo doorto shaxda isku darka labada kooxood balse waa in aad marka hore damaanad qaadaa in aanad taageero ku shaqayn, balse marka hore aanu idiin soo gudbino shaxda loo arko isku darka labada kooxood.Xidigo ay ka mid yihiin Luis Suarez, Marcelo, Alves, Modric, Bale, Mascherano iyo ciyaartoy kale oo badan ayaan shaxdan ka mid noqon balse halkan ka fiiri cida shaxda ku soo baxday.

CPMMJR

Haddaba akhriste, shaxdani ma tahay shaxda ugu fiican ee laga soo xulan karo labada kooxood si loo soo saaro shaxda isku darka Real Madrid? Fikirkaaga iyo haddii aad isbadal samayn lahayd comments-ka ayaa fikirkaaga oo aan aflagaado lahayn aad nagula wadaagi kartaa.

 

Laacib-net-

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip