Qatinka Siyaaraadki Sh: C/raxman Sh: Cumar iyo Sh: Mux’ed Sh: C/raxman ee Nairobi (Sawiro)

0
Saturday December 10, 2011 - 19:23:20 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 5562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatinka Siyaaraadki Sh: C/raxman Sh: Cumar iyo Sh: Mux’ed Sh: C/raxman ee Nairobi (Sawiro)

    Allaah Unaxariistee waxa markale xuskoodi lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi caalimiinta islaamka gaar ahaan Soomaaliya Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee kamidka ahaa Owliyada ilaahey ee kusharfoobay fidinta dii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah Unaxariistee waxa markale xuskoodi lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi caalimiinta islaamka gaar ahaan Soomaaliya Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee kamidka ahaa Owliyada ilaahey ee kusharfoobay fidinta diinta Islaamka.

Xuska masha’iqda oo ah mid had iyo jeer lagu dhigo daafaha caalamka ayaa magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi oo ay kunool yihiin soomaali aad ufara badan ayaa waxey had iyo jeer kaqeyb qaataan xusaska lagu weyneenayo culuma’udiinka soomaaliyeed ee taariikhda muga leh kaqaatay fidinta diinta islaamka ee soomaaliya iyo daafaha caalamka.

Siyaaraadka masha’iqda oo ay kasoo qeygalkeeda ukala harin culimo iyo caamo dhamaan inta kusugan magaalada Nairobi iyo gobolada lateedsan ayaa ugu horeyn dhamaan culimadi kasoo qeygashay waxey carabka ku adkeeyeen sida ay muhiim utahay adkeenta isu imaadyada nuucaan oo kale ee lagu qiimeenayo culimada ku sharafooday barashada iyo barida diinta islaamka ee dadka .

Culuma’udiinki soo xaadiray madasha xuska siyaaraadka Masha’iqda ayaa siweyn ugu nuux nuuxsaday kasheekenta doorka ay culimadaani kasoo qaateen fidinta diinta islaamka iyagoo sidoo kalena ugu baaqay dhamaan umadi kasoo qeybgashay sida ay ugu dayan lahaayeen isla markaana ay barashada diinta halkooda uga sii wadi lahaayeen.

“Hadii maanta oo dhan aan ka sheekeeno doorkooda fidinta diinta Islaamka, maahan mid aan dhameen karno, hasa yeeshe waxa nala gudboon waa rag iyo dumar inaan ku tartanaa barashada diinta si aan uga dhabeeno ujeedadi noola soo bar baariyay ee aheyd nooleenta diinta islaamka” ayuu yiri Sh: Da’ud Sheekh maxamed oo gunaanadki siyaarada qudbad dheer oo taabatay quluubta kasoo qeygalayaasha halkaa kajeediyay.

Sheekh Da’ud oo dhanka kalena tusaaleynayo kooxaha diinta kuqaraabta ee caqiidada qalafsan ayaa waxa uu yiri: “Inti hanuun ilaah uqadiray ilaah hasoo hanuunsho, wixi ilaah hanuun uqadarina far iyo suul alaah nooga baxsho”, kasoo qeygalayaasha siyarada ayaa ducada iyo tusaalooyinka culimada kusoo dhaweeyay niyad saafi ah iyagoona kujawaabay Aaamiin.

Sheekh Axmed Sheekh Aweys oo ah saaxibul Sijaajatu Dariiqa Qaariyaha ayaa isna kamid ahaa culimadi soo xaadirtay madasha Siyaarada Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh c/raxman ayaa waxa uu eebe uga baryay umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan midnimo iyo dowlad caadil ah , isagoo dhanka kalena eebe uga baryay in umada kadul qaado dhibka iyo dagaalada aafeeyay kuwaasi oo ugu sii daran kuwa fasaadinayo caqiidadooda suuban.

“Umada Muslimka gaar ahaan Umadeena Soomaaliyeed waxa ilaah uga baryeeynaa inuu dagaalada nabad noogu badalo , abaartana barwaaqo noogu badalo” ayuu yiri Sheekh Axmed Sheekh Aweys Alqaadiri.

Dhanka kale Shariif Cusmaan Shariif Ibaraa ayaa isna kamid ahaa culimadi kahadashay banaanbaxa siyaarada isagoona aad ugu dheeraaday kasheekeenta diinta islaamka iyo Faa’iidada laga helayo lajiranka Owliyada Ilaahey Raali Ka noqday Waxaana uu tusaale usoo qaatay Eygii Asxaabul Kahfi oo asigoo ey ah oo najisul ceyn ah jano ku helay Owliyada Ilaahey La Jirankooda marka maxaa maleyneysaa adigoo qof Muslim ah islamarkaana muu’min ah haddii aad daa’into la jirinka Owliyada Ilaahey ka raali noqday waa faa’iido weyn.

“Barashada Diinta islaamka maahan mid ku kooban Raga waayo waa waa nagu waajib barashadeeda Rag iyo Dumar” Sidaas waxaa yiri Sh C/llaahi Cali Aadan (Sh Duduble) oo ka mid ah Culamada kasoo hadashay banaabaxa siyaarada isagoona dhanka kale ugu baaqay dumarka Soomaaliyeed iney mas’uuliyad iska saaraan barashada diinta islaamka loogana baahan yahay iney bartaa Waajibaadka Alla kuleeyahay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Culamaa’udiin Farabadan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin hadaladooda waxaana ka dheehan kartaan sawirada.

Xilqooyinka Dikriyada ee caanka kutahay daruuqa Suufiyaha ayaa sidoo kale la isugu soo baxanaanbaxay waxana soo xaadiray Xelqooyinka, Seyliciyo, Uweysiyo, Raxmaaniyo. Rashiidiyo, iyo Rufaaciyo oo dhamaan kuwada abtirsada Daruuqu Suufiyaha.

Gabagabadi Siyaaraadka ayaa waxa qadka telfoonka uga qeybqaatay Saaxibul sijaadaha reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar, Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman ow Cumar isagoona hambalyo iyo duco usoo jeediyay dhamaan dadki soo xaadiray madasha siyaaraadka iyo kuwi xaga adeega iyo qurbaanka uga qeyqaatay .

Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman ayaa sidoo kale ugu baaqay umada islaamka gaar ahaan dadka Soomaalyeed in meel kasta oo ay joogaan ay qabsadaan xariga ilaahey ayna nooleeyaan diinta islaamka iyo caqiidada saxda ah ee Ashcariyah.

Jawiga qatinka siyaarada ayaa kusoo gaba gaboobay jawi farxad leh iyadoo farxad iyo rayn reyn laga dhadhansan karay wajiyada maqluuqi soo xaadiray baanaanbaxa qatinka siyaaraadka oo sanadba sanadki kadambeeyso ay sii saa’ideeso dadka soo xaadirayo.

Asharaafta iyo Culamaa’udiinka kazoo qeybgashay siyaarada

1) Shariif Cabdi Wahaab Shariif oo ah Madaxa Asharaafta Nairobi
2) Shariif C/llaahi Shariif Xasan oo ah Imaamka Masjidka 12 Street
3) Shariif C/Fataax Shariif Axmed
4) Shariif Cusmaan Shariif Ibraahim
5) Shariif Cali Shariif Maxamed Shariif Xadaad
6) Sh Axmed Sh Aweys Sh Muxidiin Sh Uweysul Qaadiriya oo ah Sxbu Sajaadadal Qaadiriya
7) Sh Yuusuf Sh Shariifow Sh Mukhtaar Sh Cali Maye
8) Sh Bakar Sh Maxamed Sh Iiker Sh Maxamed Sh Suufi
9) Sh Cismaan Sh Cumar Sh Daa’uud Culusow (Sh Cismaan Xidig)
10) Sh Cabdaladiif Sh Xasan Yuusuf
11) Sh Maxamed Yuusuf Waceys ( Sh Max’ed Dhagax-buur)
12) Sh Abuukar Sh Xuseen Sh Maxamed Faqi Yuusuf
13) Sh Shanyaalow Sh Maxamed Nuur Macalin Luqmaan
14) Sh C/raxmaan Sh Maxamed Guuled
15) Sh Xuseen Dayib Khadiibka Masjidka Third Street
16) Sh Axmed Kaboole
17) Sh Maxamuud Sh Maxamed Yare (Sh. Max’ud Dheere)
18) Sh Khaalid Macalin Nuur Mire
19) Suldaan C/raxmaan Sh Xuseen
20) Sh Mustafa C/laahi Bulxan Imaamka Masjidka Alxaq Plaza
21) Sh Mowliid Maxamed Cismaan
22) Sh C/llaahi Cali Aadan Faarax (Sh C/laahi Duduble)
23) Sh Muxidiin Laashin
24) Sh Anwar Macalin Aadan
25) Sh C/llaahi Cali Barre
26) Macalin Siid Macalin Shoobaaye
27) Macalin Ciise Yuusuf Cali
28) Macalin Nuur Macalin Xasan
29) Macalin Cali Sandheere
30) Sh Cismaan Maxamed Jimcaale
31) Cabdulle Xassan Nuurow Madaxweynaha Maamul Goboleedka Banaadir State
32) Maxamed Sh Cismaan
33) Sh Axmed Sh Cismaan Sariire
34) Cornel . Maxamed Xasan Shakuur
Asharaaf iyo Mashaa’ikh kale oo farabadan ayaa kazoo qeybgashay siyaarada oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

Abaabulka iyo Qaban qaabada Siyaarada.

1) Sh Daa’uud Sh Muxamed Sh C/raxmaan Celi
2) Sh Cumar Sh Muxamed Sh C/raxmaan Celi
3) Sh Cusmaan Sh Muxamed Sh C/raxmaan Celi
4) Sh: C/qaadir Sh: Muxmed Sh: C/raxman Celi
5) Maxamed Macalin Daa’uud (Shiine)
6) C/raxmaan Sayid Maxamuud Sh Cabdi Celi
7) Sh Muxidiin Laashin
8) Sh C/laahi Cali Aadan Faarax (Sh C/laahi Duduble)
9) Sh Isxaaq Xaaji Muuse
10) Aanis Cali Maxamuud
11) Sh Abuukar Sh Axmed Yare
12) iyo Dhammaan jameecatu Canada oo uu Hogaaminayo Sh Daahir

Qaadumiinta Siyaarada

1) Maxamuud Sh Axmed Yare
2) C/raxmaan Maxamed Cali Maxamuud
3) C/Caziiz Macalin Daa’uud
4) C/raxmaan C/laahi Macalin Axmed (Suuxaaye)
5) C/raxmaan Maxamed Macalin Daa’uud (C/raxmaan Shiine)
6) Cumar Sh Axmed Yare (Dr Caamir)
7) Daa’uud Xaaji C/llaahi Muxumud Ow Nuur
8) Maxamed Amiin Baraan Xaaji Daa’uu
9) C/raxmaan Cismaan (Gacma dheere)
10) Cismaan Sh Aweys Sh Cabdi Celi
11) Maxamed C/llaahi Boote
12) C/laahi Sh Axmed Sh Cismaan Sariire
13) Maxamed Macalin Cabdi
14) Khaliif C/laahi Maxamed Axmed
15) C/raxmaan Xaaji C/llaahi Muxumud (Qoslaaye)
16) C/raxmaan C/llaahi Boote
17) Maxamed Sheekh Cisman
18) Cali Sh Axmed Yare

Qaadumaadka Siyaarada

1) Faaduma Sh C/lle (Shiino)
2) Madiino Cismaan Farey
3) Seynab Cabdi Shiikh
4) Culumo Suudi
5) Madiino Gurey
6) Shamso Cali macalin
7) Faadumo Cali Macalin
8) Saciido Shikh Qaali
9) Khadiijo Sh Abuukar
10) Zam Zam Maxamed Rooble
11) Hodan Xaaji Maxamed
12) Sahro Jimcaale Maxamed
13) Sacdiyo Sh C/raxmaan
14) Aamino Sh Axmed Yare
15) Xafso Sh C/raxmaan Xaji Maxamud Hadaafow
16) Fartuun Macalin
17) Safiyo Sh Xasan Yare
18) Seynab C/laahi Boote
19) Seynab Axmed
20) Suweydo Macalin Daa’uud
21) Seynab Xasan Maxamed Shiikh
22) Naciimo Shiikhaal Toosow
23) Safiyo Sh Cumar
24) Faizo Maxamed Sh Axmed Yare
25) Batuulo Sh Daa’uud
26) Aamina Maxamed Sh Axmed Yare (Aamino Sahro)

Sawir Qaade: Maxamuud Sh Axmed Yare
Email: rashiid2009@hotmail.com

Waxaa Diyaariyey: Cali Sh Axmed (Caliyare)
Email: c_yare2@hotmail.com
Tell: 254719390150

Waa bahdi Shabakada Warsheekh Xafiiskeeda Nairobi oo idin leh Siyaaradaan teeda kale bash bash iyo Soomaali oo kabaxda Colaada heshana Nabad iyo barwaaqo Aamiin Aaamiin.


Daawo sawirada


































































Insert row












Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip