Sidee looga Xuay Maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (C/S/W) Muqdisho (Daawo Sawiro)

0
Friday July 25, 2008 - 19:16:29 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee looga Xuay Maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (C/S/W) Muqdisho (Daawo Sawiro)

    Habeenimadi Xalay oo taariikhda Hihirga ay ku beegneed 12 Bisha Mowliid oo ah Maalinta uu dhashay Nabigeena Muxamad (CSW) ayaa Masjidyada iyo Guryaha waxa lagu sameeyay Ixtifaalku ugu weynaa ee loogu dabaal dagayo Dhalashada Nabigeena Muxamada (C/S/W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenimadi Xalay oo taariikhda Hihirga ay ku beegneed 12 Bisha Mowliid oo ah Maalinta uu dhashay Nabigeena Muxamad (CSW) ayaa Masjidyada iyo Guryaha waxa lagu sameeyay Ixtifaalku ugu weynaa ee loogu dabaal dagayo Dhalashada Nabigeena Muxamada (C/S/W) taasow lagu qabtay Dhamaan Daafaha Caalamu Islaamka.

12ka Bisha Mowliid oo ah Maalin ay ku weyntahay Ruux walba oo Muslim ah ayna ku beegantahay Bilashada Xabiibkeeni Muxamad ayaa waxa sida Caadada ah loo sameeyaa Maalintaan Xaflado Diimeed looga sheekeenayo Nolosha Nabigeena Muxamada (CSW) iyo Taariikhdiisa oo idil iyo sida uu ugu soo halgamay Shareecada Islaamka .

Culimada Ahlusuna Waljamaac Oo Aqrineeso Kitaabka Mowliidka

Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo Muxaadarada

Dhamaan Culimada Islaamka Gaar ahaan Culimada Ahlusunna Waljamaac ee Soomaaliyeed ayaa Habeenada Nuucaan oo kale ah waxa ay Dadka Soomaaliyeed wax badan uga sheekeeyaa Siirada Nabigeena Muxamad iyagoo alla Bari iyo tusaalooyin muujinayo Raadki Qurxaay ee nabi Muxamad u iftiimiyo dhamaan Umada Soomaaliyeed si danbi dhaaf iyo samir eebe ugusiiyo.

Shabakada warsheekh oo habeeni xalay kala qeyb qaaday shacabka Soomaaliyeed Munaasabadaan ayaa ukuur gashay Xafladihi Waaweynaa ee xalay lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho kuwaasi oo qormo aan lagu soo koobi Karin aya hadanu waxa ka qeyb galnay Xaflad ka dhacday Midka mid ah Masjiyada Magaalada Muqdisho ugu Caansan ee lagu magacaabo (Shiikh Seylic) ee Ku yaal xaafada Sanca ee Degmada Kaaraan.

Qaar ka mid ah kasoo qeybgalayaasha oo Aaamiinsanayo Ducada Culimada

Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo Muxaadarada

Dhamaan Dadki kasoo Qeybgalay Munaasabadaan ayaa waxa halkaasi Muxaadarooyin Qiimo leh halkaa uga soo jeediyay Culimada Ahlusuna Waljamaac qaar ka mid ah sida Sheekh Da’ud sheekh Maxamed Sheekh C/raxman ow Cumar iyo Sheekh Abdulaahi Cali Fiidow iyo Culimo kale oo dhowr ah kuwaasi oo ku fogaaday ka sheekeentay Siirada Nabigeena Muxamad iyadoo dadki kasoo qeyb galay oo ay ka muuqatay Qushuuc loogula dar daarmay in ay ku daydaan Nabigeeni Muxamad runtii jid la raacana ay tahay kan uu maray kan ugu qeyrka badan ee mudan in lagu daydo.

Dhanka kale Culimadi ayaa sidoo kale Caalamu islaamka gaar ahaan soomaaliya waa ay Eebe uga baryeen in uu danbi dhaaf iyo Barwaaqo siiyo iyo nabad qeyr qabta isla markaana dhibka iyo abaarta oo ka qaado uguna badalo Maslaxa Caam ah oo saameeso Dhamaan umada Islaamka Gaar ahaan kuwa soomaaliyeed ee dhibaatada halakeesay.

Qaar ka mid Culimadi Kasoo qeybgashay oo dikriiyo Aqrinayo

Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo Muxaadarada

Dhanka kale Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho hadii ay ahaan leheed hooyooyinka iyo Dhalinyarada iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed ayaa marka lagaaro 12ka Bisha Mowliid waxa ay isu abaabulaan Koox koox iyagoo Xaafadi waliba si gaar ah loogu Xuso Dhalashada Nabi Muxamada C/S/W iyagoo iyagoo marki danbena iskuugu soo aruuro barxadaha waa weyn ee muqdisho halkaas oo Culimo Soomaaliyeed ay ugu soo jeediyaan Muxaadarooyin Diini ah .

Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo Muxaadarada

Hadaba Bahda Shabakada Warsheekh waxa umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba Alle uga baryeesaa in Danbi dhaaf iyo Maslaxa Caam ah ku siiyo Munaasabadaan qiimaha leh iyadoo isuna xil saari doono sida aan kusoo baahin leheen dhamaan Gobolada Dalka sida looga Xusay Munaasabadaan qiimaha leh

Hamoogaan Mar waliba shabakada warsheekh oo ah hoyga Afkaarta Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Soomaaliyeed

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip