Siyaro Sh: Xusen Cade"CapeTown"

0
Thursday December 22, 2011 - 13:40:23 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaro Sh: Xusen Cade"CapeTown"

    Munaasabad balaaran oo si heer sare loo soo agaasimay ayna lagu maamusayay siyaaradii caalimkii weynaa allaha u naxariistee Sheekh xuseen Maxamed Maxamud (Sheekh Xuseen Cadde) ayaa lagu dhigay degaanka ay Soomaalida u badan tahay Bellville ee magaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad balaaran oo si heer sare loo soo agaasimay ayna lagu maamusayay siyaaradii caalimkii weynaa allaha u naxariistee Sheekh xuseen Maxamed Maxamud (Sheekh Xuseen Cadde) ayaa lagu dhigay degaanka ay Soomaalida u badan tahay Bellville ee magaalada Cape town ee cariga South Africa. Munaasabada oo si aan horey loo arag loo soo agaasimay ayaa lagu casuumay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, xerta iyo mashaa’ikhda ku nool dalkani K/Africa waxayna bilaabatay abaarihii 3-dii galabnimo waxana lasoo gabagabeeyay habeenkii saqdii dhexe.

Sheekh Cali Gacal Xasan iyo Sheekh Yuusuf Jirow oo qaabilsanaa soo dhaweynta dadkii ka soo qeyb galay oo ii waramayay ayaa ii sheegay in aanan horey loo arag xaflad nuucaan oo kalaa isla markaana ay kasoo qeyb galeen mashaa’ikh meel dheer ka kala yimid waxayna intasi warka ku dareen in markii 7aad lagu xusayo magaalada Cape Town caalimkii weynaa ee Sheekh Xuseen Cadde.

Dadki siyaarta ka soo qeyb galay ayaa loo qeybiyay laba ayaa kala ahaa kuwo subac ku qabta qeyb ka mid ah howlka taasi oo lagu soo qatimay 114 quraanka kariimka iyo qeybta kale oo digri iyo kalaanka ilaahay ku xusayay isla howlka.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb qaatay Sheekh Nuur Ow Cumar Absuge oo qadka taleefoonka kala soo xariiray dhulka barakeysan ee Sacuudi Carabiya kaasi oo u duceeyay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay siyaarta isagoo ilaahay ugu baryay in naxariista janno uu ilaahay siiyo allaha u naxariistee Sheekh Xuseen Maxamed Maxamud (Sheekh Xuseen Cadde)

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay oo la siyaarto caalimkani weyn iyadoo aduunka intiisa kale laga dhigo bishan oo kale siyaarada Sheekh Xuseen Cadde oo kasoo diin qaadatay kumanaan dad ah oo iminka qaarkood caan ka yihiin dalka iyo dibadda.

Qaban qaabiyaasha siyaarta.

Sheekh Yuusuf Jirow

Sheekhabuukar Cali Mahdi

Sheekh Cali Gacal Xasan

Sheekh Saciid Gaab

Sheekh Axmed Tifow

Sheekh Abuukar Gaab

Sheekh Axmed Salaad

Sheekh Axmed Sheekh Nuur

Sheekh C/raxmaan Sh Nuur

Sheekh Osmaan nuur Maxamed

Sheekh Maxamud Xaaji Xuseen

Sheekh Daahir Dheere

Sheekh Nuur Carabey

Xaaji Cabdi Xasan Cumar

Sheekh C/raxman Shakar.

Waxaa diyaariyey:

Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo)

Deeqdarajo36@hotmail.comCape Town, South Africa.

Halkaan ka daawo Sawirada Siyaarada.








Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip