Siyaro Sh: Suufi (Nairobi)

0
Friday January 18, 2013 - 15:01:20 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaro Sh: Suufi (Nairobi)

    Xuska Shiikha caanka ah ee Sh Cabdiraxman Suufi oo aalaaba xilligaan oo kale lagu qabto daafaha Caalamka gaar ahaan magaalada tan Nairobi ee dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuska Shiikha caanka ah ee Sh Cabdiraxman Suufi oo aalaaba xilligaan oo kale lagu qabto daafaha Caalamka gaar ahaan magaalada tan Nairobi ee dalka Kenya
waxaana sida caadada u aheyd Culamaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca lagu Bilaabay xuska Qadmooyin Qur'aan aqris ah kuwaas oo loo hadiyeenayo Shiikha in Ilaahey darajadiisa Kor usii qaado.Salawaatka Rasuulka CSW ayaa qadmooyinka kadib la aqriyey iyo tawasulaatkii lagu yaqiinay Culamaa'udiinka Ahlusunna waljameca iyadoo markii dambe lagu xijiyey qasaa'idka Shiikh Suufi iyo kuwa mashaa'ikhdiida uu nisba sheegto dhinaca diinta.

Qadmooyinka, Salawaatka iyo qasaa'idka Shiikha iyo Mashaa'ikhdiisa kadib ayaa waxaa galabtii la sameeyey bannaanbax aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Ahlusunna waljameeca ee halkaan kusugan.

Xelqada Uweysiya oo katirsan duruuqu Suufiyaha ayaa halkaasi kusoo bandhigtay Xadro aad loo jecleystay oo soo jiidatay kasoo qeybgalayaashii kasoo qeybgalay bannaanbaxa siyaarada.

Bannaabaxa kadib ayaa halkaasi waxaa hadallo kooban ka jeediyey Culamaa'udiinkii kasoo qeybgalay bannaanbaxa oo uu ka mid ahaa Sh Amiin siid Cali Sh Muxidiin Sh Uweys Alqaadiriya oo dadka ku baraarujiyey In Ilaahey laga cabsado islamarkaan la badiyo soo xaadiritaanka Ixtifaalaadka Nuucaan oo kale ah isagoo sheegay in dambi dhaaf lagu helayo Ijtimaacaadka Nuucaan oo kale ah waxana uu gaba gabadii shiikha soo qatimay digriga.

Sidoo kale Sh Bakar Sh Maxamed Sh Iikher Sh Maxamed Sh suufi oo ah faraca shiikha la siyaaranayey ee Sh Suufi islamarkaana ahaa shaqsiga ay gogosha u tiilay ayaa waxaa isagane dadka faray in Alla ka cabsi lala yimaado waxaana uu u duceeyey kasoo qeyb galayaasha Siyaarada guud ahaan hadey ahaan lahaayeen Culamaa'udiinka kasoo qeybgalay, Mushamiriinta digriga, Qaa'idiinta Xelqada, Haweenka iyo Dhammaan Qaadumiinta u qidmeysay dadkii soo xaadiray Siyaarada.

Dhinaca kale Shariif Cali Shariif Maxamed Shariif Xadaad oo ka mid ahaa ahlubeytkii kasoo qeybgalay siyaarada ayaa waxaa uu gaba gabadii kusoo qatimay bannaanbaxa duco isagoo dalkeena Somali uga baryey in dhibaatada ka dulqaado waxaana uu sheegay in Nasriga uu bilaawday islamarkaana uu Ilaahey ka rajeynayo inuu taam yeelo waxaa uu shariifka Ilaahey dalkeena uga tuugay inuu Dowlada Caadil ah u dhaliyo oo dalka iyo dadkaba u roon.

Waa Bahda Warsheekh oo idiin leh sanadaan sanadeeda Allaah nagu gaarsiiyo kheyr iyo barwaaqo iyo dalkii oo guud ahaan nabad ah aamiin Aaamiin Aaamin.

Daawo Sawirada Oo dhan




http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(10).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(6).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(35).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(1).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(2).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(3).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(4).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(5).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(7).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(8).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(9).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(11).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(34).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(13).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(14).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(15).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(16).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(17).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(18).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(19).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(21).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(22).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(23).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(20).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(24).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(25).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(26).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(27).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(29).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(30).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(31).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(28).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(32).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Sh_Sufi_NBI_2013%20(33).JPG


Sawir qaade: Maxamuud Sh axmed
Email: rashiid2009@hotmail.com
Waxaa diyaariyey Cali Sh Axmed (Caliyare)
Email: c_yare2@hotmail.com
Tell: 254719390150

Dhamaad

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip