Siyaaradi Sheekh Suufi oo isku arkeen madax iyo Shacab tira badan ayaa maanta lagu soo gunaanaday Muqdisho (Sawiro)

0
Friday December 11, 2015 - 02:04:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekh Suufi oo isku arkeen madax iyo Shacab tira badan ayaa maanta lagu soo gunaanaday Muqdisho (Sawiro)

    Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay siyaarada caalimki weynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cabdiraxman Sheekh Suufi (Qudbul Banaadir) iyadoo siyaarada sheekha oo had iyo jeer xiligaan oo kale lagu qabto xarunta Sheekha ee magaalada Muqdis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay siyaarada caalimki weynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cabdiraxman Sheekh Suufi (Qudbul Banaadir) iyadoo siyaarada sheekha oo had iyo jeer xiligaan oo kale lagu qabto xarunta Sheekha ee magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya. Kulankaan diiniga ah ee lagu weyneenayo Sheekh Cabdiraxman Suufi ayaa ka dhigan isku imaadka ugu balaaran ee ku kulmaan dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada gaar ahaan hogaamiyayaasha Jikooyinka Ahlu Dariiqa, Mudarasiinta, Mucalimiinta, Talaamiida, Aqonyahanada, Haweynka Dhalinyarada iyo madax ka kala socatay sadexda hay’adood ee dowlada Soomaaliya oo uu horkaacaayo ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

Dhamaan madaxdi kasoo qeybgashay siyaarada mashaa’iqda oo gabigood qiray doorki shariifka ahaa ee Sheekh C-raxman Suufi uu kasoo qaatay dacwada Islaamka iyagoo sidoo kalena bogaadiyay culumaa’udiinka Ahlusunah Waljamaac sida had iyo jeer ugu taagan yihiin difaaca dhaqanka suuban ee diinteena Islaamka.

Ugu horeyn waxa hadalka soo dhaweynta qaatay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya isla markaana uu awoowe uyahay Sheekh Suufi, Jeylaani Nuur Iikar ayaa soo dhaweeyay madaxda dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee kasoo qeybgashay siyaarta Sheekh Suufi oo aheyd tii 114-aad.

Hadaba waxa halka hoose kusoo gudbin doonaa qaar kamid ah nuxurka qudbadihi ee maanta jeediyeen madaxda ka kala socotay dowlada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka .

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamud, ‘Waxa maanta ujoognaa weyneynta xuska shikheyna Sheekh C-raxman Suufi oo kamid ah ragi salka udhigay dacwada Islaamka ee Soomaaliya isagoo noloshiisa oo idil u huray faafinta iyo barida diinta ee dadka Soomaaliyeed’.

Xildhibaan Cabduqaadir Macalin Nuur, ‘Alxamdulilaah waxa mahada leh Allihi nagu kulmiyay maxalkaan qeyrka iyo barakada badan oo runtii ah maxal ijaabo iyo qabuul laga helaayo inti latimid qalbi saliim ah’ Xildhibaan Qaliif C-qaadir Macalin Nuur, saaxibul sijaadaha jameecada reer Macalin Nuur

Sh Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim, Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ayaa si aad ah ugu nuux nuuxsaday sooyaalki Sheekh Cabdiraxman Suufi isago xusay in kulan kaliya aan lagu soo koobi Karin taariikhda iyo abaalka sheekha kuleeyahay shacabka Soomaaliyeed oo sheekha dhiigiisi u huray sida dhulka Soomaalida geeska gees ugaarsiin lahaa dacwada Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa dhankiisa muujiyay in dadka Soomaaliyeed ee tahay halka kaliya ee isfahamkooda laga baadi goobi karo ee tahay Diinta Islaamka isagoo sidoo kale xusay in kulamada nuucaan ah laga helo qabuul ijaabo ah loona baahan yahay si niyad ah in loogu duceeyo dalka iyo dadka si colaada uu nabad noogu badalo iyo barwaaqo, ayuu yiri mudane Odowaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa kutilmaamay Sheekh C-raxman Suufi wili Ilaahey raali ka noqday isagoo tusaale kadhigay in Sheekha boqol sano kadib uu wili quluubta shacabka Soomaaliyeed uu ku weynyahay isla markaana ee intaan aad arkeysaan ee halkaan keentay nuurka Sheekha isagoo alle uga baryay inuu shacabka Soomaaliyeed ee soo xaadiraan kulamada diiniga ah ee nuucaan oo kale isla markaana isu niyad furaan isna gacan qabsadaan.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa qiray inuu yahay mas’uul ee ku weyntahay weyneynta culuma’udiinka ahlusunah waljamaac isagood dhanka kalena xusay in dad kala gedisan oo aan isugu imaan heyb qabiil ee si siman uga soo qeybgaleen xuska sheekha taasina ee ka markaati kaceyso sida Alle raali uga noqday Sheekh Suufi oo shacab aan waligood arkin sheekha boqol sano kadib qalbiyadooda ku xardhay.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dhankiisa ku faanay inuu kusoo bar baaray guri ahlu dariiqo isagoona balan qaaday in xukuumadiisa ee dib usoo celin doonto xeerka shaqaalah dowladi hore ee Soomaaliya taasi oo ku jirtay maalin loo fasaxo dhalashada Rasuulkeeni Maxamed (NNKH) isagoona si cad ubalan qaaday wixi ka dambeeyo sanadkaani in maalin fasax oo rasmi ah ee noqon doonto xuska dhalashada Nabi maxamed (NNKH).

Kadib qudbadaha madaxda waxaa uga mahad celiyay kasoo qeybgalkooda saaxibul sijaadaha Dariiqa Qaadiriyah Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys isagoo halkaasi ijaasada ku siiyay dadkii ka soo qeybgalay siyaarta kuwaasi oo isugu jiray dadweyne iyo madaxda ka socotay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Ugu dambeynti sida caadada u ah ahlu dariiqo waxa halkaasi duco ku soo qatimay saaxibul Sajaadaha Reer Sheekh Suufi, Xaaji Iimaan Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan Sheekh Suufi oo alle uga baryay umada Soomaaliyeed inuu eebe siiyo ajir iyo Xasanaad aan la soo koobi karin.

Waa bahda Shabakada Warsheekh oo isku duuban oo idin leh Siyaaradaan siyaaradeeda eebe hanagu gaarsiiyo caafimad qab iyo cibaado suuban.

Waa Diyaarinti Xafiisyada Shabakada Warsheekh
Ee Magalaada Muqdish
&
Waqooyiga Yurub
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip