Siyaaradi Sheekh C/raxman Suufi oo Siweyn loogu Qatimay Muqdisho (Sawiro)

0
Thursday January 02, 2014 - 00:15:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3990
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekh C/raxman Suufi oo Siweyn loogu Qatimay Muqdisho (Sawiro)

    Siyaarada caalimki weynaa Islaamka ee Soomaaliya Sheekh C/raxman Suufi (Al Maqdishi Qudbu Banaadir) oo sanadiba Mar lagu qabto daafaha caalamka ayaa waxa ixtifaal aad uweyn maanta loogu sameeyay halka uu sheekha kaga aasan yahay magaalada Muqdisho ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaarada caalimki weynaa Islaamka ee Soomaaliya Sheekh C/raxman Suufi (Al Maqdishi Qudbu Banaadir) oo sanadiba Mar lagu qabto daafaha caalamka ayaa waxa ixtifaal aad uweyn maanta loogu sameeyay halka uu sheekha kaga aasan yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamarweyne Xuska Sheekh C/raxman Suufi ayaa waxa kasoo qeybgalay, dhamaan culimada waaweyn ee Ahlusunnah Waljamaac ee Daruuqa Suufiya hadii ay ahaan leheed Mudarasiinta wax ka dhigtay Masjidyada, Mowlacyada, Jaamacadaha, Machadyada iyo talaamiidooda.

Dhanka Dowlada ayaa waxa siyaarada kasoo qeybgalay Xubno isugu jiro golayaasha Dowlada Soomaaliya hadii ee ahaan lahaayeen Xildhibaano, Wasiiro iyo saraakiil katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya .

1. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Mudane: Prof Maxamed Sheekh Cisman (Jawaari)

2. Gudoomiye Xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Mudane Jeynaani Sheekh Nuuraani Sheekh Iikeer Sheekh C/raxman Suufi

3. Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda iyo Dekeddaha
Mudane Muxyadiin Maxamed Kaalmooy

Allaah Unaxariistee Xuska siyaarada Sheekh C/raxman Suufi oo ka mid ah Owliyada Ilahey kuwoodi ugo'doomay uqidmeenta diinteena Sharafta badan ee Islaamka isagoo noloshiisa ku dhameestay fidinta Diinta Islaamka, ayaa xuskiisa waxa soo wada xaadiray iyadoo kala sooc laheen culimo iyo Caamo kuwaasi oo mid waliba muujiyay dareenkiisa ku aadan maalintaan qiimaha badan.

Sida caadada u ah siyaarooyinka Daruuqu Suufiyah ayaa waxa mudadi sadex maalin ay socotay siyaarada Sheekh C/raxman Suufi waxa laqabtay qadmooyinka Qur’aan Aqriska uu sabax waliba kaoscotay qabriga Sheekha iyadoo maalinti maanta ahna la isugu yimid banaanbaxyo waa weyn oo lagu soo bandhigay xilqooyin dikri ah sida, Uweysiyah, Seyliciyah, Axmadiyah, Rufaaciya oo dhamaan kuwada abtirsato saadaatu Daruuqu Suufiyah.

Marki lasoo gaba gabeeyay banaanbaxyadi ayaa waxa bilowday qudbadihi culimada iyo madaxdi kasoo qeygashay siyaarada ay ujeedinayeen dadweynihi isugu yimid halkaasi oo iyaga lagu qayaasay tiradooda kumanaan.

Qudbadihi laga jeediyay Banaanbaxa Siyaarada

Wasiir Kaalmooy oo ugu horeen bilaabay qudbadaha ayaa yiri: " Ma aheyn inaan meeshaan ka hadlo laakin Sh suufi waxa aan ku xusuusaneynaa waxi uu baray awoowayaasheen iyo maqaamki uu gaaray, waxan ku soo dhaweynaa gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka somaliya Mudane Jeylaani oo ku sii wareejin doona gudimyaha barlamanka prof jawari”. Ayuu yiri Wasiir kaalmooy.

Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee baarlamaanka Mudane Iikar sh suufi ,waxa uu yiri : " Waxa farxad leh in Umadaan isu timid ee aad arkeesaan aan lagu keenin Casumaad (invitation) iyo in wax dheef aduunyo la xiriiro ama jinsi gaar ah loogu yimid waana aragtaan inay yimaadeen dadka kala gedisan laakin ku walaalobay diinta iyo culimada jaceelkeeda”. Ayuu yiri Mudane Jeylaani isagoo inta kadibna kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha baarlamaanka .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Sheekh Cisman Jawaari ayaa ugu horeyn ku fur furtay salaam uu kasiday madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya isagoo dhanka kalena mahad gaar ah ujeediyay dhamaan kasoo qeybgalayaashi isagoo sidoo kalena muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kasoo qeybgalkiisa siyaarada .

Gudoomiye jawaari: "Muraad ayaan leeyahay meeshaan qudbo uma soo istaagin waxan rabaa inaad faataxada aqrisaan oo Afar Faataxo nooga dhigtaan, una niyeesataan in Soomalida gacmaha is qabsadaan, in cadowga Soomali ee Cadaan iyo Madow leh ilaahey naga guuleeyo”.

"Laga bilaabo Maqribta Caawa waxa idinka codsanayaa inaa Sajuuda Alle kutuugtaan kuna duceestaan sidi lagu heli lahaa Soomaali oo mid ah ". Ayuu Yiri Mudane Jawaari

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale kutilmaamay Culimada Ahlusunah iney yihiin dadki sida saxda ah diinta dalka usoo gaarsiiyay isagoo sidoo kalena ka dalbaday Ahlu dariiqo iney gacmaha is qabsadaan una istaagaan bad baadada dadka iyo dalka Soomaaliyed ee mas’uuliyada diiniga ah ee kasaarantahay .

Saaxibul Sijaadaha Dariiqada Qaadariya Sheekh Axmed Sheekh Aweys ayaa dhankiisa isna fariin codsi ah udhiibay Gudoomiya Baarlamaanka isagoo yiri: " Waxan madaxda Dowladeena Sharafta leh iyadana ka codsaneena inay nagala soo qeybgalaan Xuska Mowliidka Suubanaheeni Muxamad CSW, halki ee ka tagi lahaayeen Munaasabadaha kale, fariintaasna waxaan u dhiibnay gudoomiyaha baarlamaanka”. Ayuu yiri Qudubka Dariiqada Qaadiriya Sheekh Axmed Sheekh Aweys;

Gunaanadki Siyaarada ayaa waxa duco kusoo gaba gabeeyay sheekha wilaayada reer Sheekh Suufi Haya Sheekh Abashaan Sheekh C/raxman Sheekh Max'ed Sheekh Osman Sheekh Suufi, oo halkaa ugu duceeyay dhamaan saa’iriinti kasoo qeygashay siyaarada iyo kuwa qalbiga kuhayay Sheekha isagoo ugu duceeyay Aduunyo iyo Aakhiro taam ah.

Xusuusin

Doorka Sheekh C/raxman Suufi ee fidinta diinta islaaamka ayaa waxa si isku mid ah uga wada hadlay culimo kuxili aheed sheekha iyo waliba kuwi diinka kadhaxlay, waxana kamid ahaa culimadi sida weyn ugaraneesay Sheekh C/raxman Suufi , Sheekha ee samiga yihiin ee Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celi) oo shicir ku amaanay Sheekha iyo doorki uu kulahaa in diinta islaamka ay ku faafto Soomaaliya iyadoo seef laqaadan.

"Qofki doonayo muraad inuu helo , hasiyaarto Sheekh Suufi", (Man Araadal Muraad, Falyasur Sheekha Suufii) ", ayuu shicir aad umacaan badan kuyiri qeyr Alaah siiye Sheekh Cabdi waxa uu si balaaran umuujinayaa Qiimaha ay leedahay Xuska Owliyada Ilaahey .

Shiikheena Sheekh C/raxman Ow Cumar oo si weyn loogu yaqaan Fidinta Diinta Islaamka ayaa isagana waxa uu nolshiisa ku dhameestay uqidmeenta Diinteena iyo Daacada Rasuulaka ayaa runtii waxa uu qasiidooyin badan uga hadlay Sheekheena Sheekh Suufi isagoo markale yiri " Dabeecada Sheekh Suufi waxa ay eheed Tii Nabiga oo aan Meel Looga Badalin" (Dabiicatu Sheekhinaa Suufii, Kadhaa Qeyri Qalqilaah) Allaahu Akbar Maasha'alaah Ilaahey Quluubteena haku Beero Maxabada Nabiga iyo Owliyada Ilaahey oo iyaga ah kuwa Xambaarsan Diinteena Islaamka Micigoodana lagu liibanayo.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Waa bahda xafiiska shabakada Warsheekh ee muqdisho
oo idin leh sanadkaan kan xiga guul iyo baraare .

W/D: Axmed Sh: Abukar Sheekh Maxamed (Lagdamow)
Mobile: +252615849030
Warsheekh-Muqdisho


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip