Culumaa'udiinka Ahlusunnah oo siweyn isugu soo baxay banaanbixi Siyaarada Sh: C/raxman (Suufi)

0
Monday December 22, 2014 - 18:08:02 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culumaa'udiinka Ahlusunnah oo siweyn isugu soo baxay banaanbixi Siyaarada Sh: C/raxman (Suufi)

    Siyaaradi Sheekh Cabdiraxman (Suufi) siyaarada sheekha oo sanadkaani aheed tii ugu balaarneed ayaa waxa ksoo qeybgalay dadweyne lagu qayaasay kumanaan kuwaasi oo isugu jiro Culumaa'udiin, madax katirsan dowlada iyo qeybaha kala gadisan ee bulsha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradi Sheekh Cabdiraxman (Suufi) siyaarada sheekha oo sanadkaani aheed tii ugu balaarneed ayaa waxa ksoo qeybgalay dadweyne lagu qayaasay kumanaan kuwaasi oo isugu jiro Culumaa'udiin, madax katirsan dowlada iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada Soomaaliyeed.
Siyaarada Sheekha ayaa sida caadada u ah waxa lagu bilaabay Qadmooyinka Qur'aanka oo socda mudo sadex subax ah iyadoo gaba gabadi isyaaradana lagu soo qatimay xilqooyin Dikri ah oo ee si weyn usoo camireen eena isku arkeen dhamaan talaamiida wax ka barata madrisooyinka Ahlusunah Waljamaac.

Siyaarada Sheekh Cabdiraxman Suufi (Qudbul Banaadir) ayaa ka dhigan dhoola tuska ugu weyn ee Ahlu dariiqo kadhigaan magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir oo ah asaaska iyo Nuurka diinta islaamka iyadoo Sheekh Cabdiraxman Suufina ee ku tilmaameen culuma'udiin badan oo ahlu kashfi ah ayaa isku raacay Sheeekh Cabdiraxman suufi uu yahay qudbul banaadir.

Dhinaca dowlada Soomaaliya ayaa madaxdi kasoo qeybgashay waxa kamid ahaa sii hayaha xilka Wasiirka Arimaha, mudane Cabdulaahi Goodax, kuxigeenka wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta, Gudoomiye xigeenka 1,aad ee Baarlamaanka mudane Jeylaani Nuur Iiker, Xildhibaan Shaacir iyo Xildhibaan Qaliif Cabduqaadir Macalin Nuur.

Dhinaca Culumaa'udiinki kasoo qeybgalay ayaa waxa horkacayay saaxibul sijaadaha Dariiqada Qaadiriya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxyadiin, Xaaji Xuseen Seekh Maxamed Faqay Yuusuf, Jameecada reer Sheekh C-raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celli) iyo guud ahaan jikooyinka Ahlu Dariiqo.

Dhamaan dadki kasoo qeybgalay uduceeyay saaxibul sijaadaha reer Sheekh Suufi, Sheekh Abashaan Sheekh Cabdiraxman Sheekh Maxamed Sheekh Cisman Sheekh Suufi, isagoo sheekha urajeeyay umada Soomaaliyeed in nasri deg deg ah Alle siiyo qalbiyadoodana Alle isu furo.

Gabagabadi siyaarada ayaa waxa lagu soo qatimay sida caadada aheed Ijaasada Dariiqada Qaadiriya oo bixiyay Saaxibul Sijaada Alqaadiriya Sheekh Axmed Sheekh Aweys oo dhawaantaan dalka dib ugu soo laabtay kadib marki oo socdaalo kala gadisan oo kusoo maray qeybo badan oo kamid ah wadamada Afrikada Bari gaar ahaan Tanzania oo ee kunool yihiin muslimiin aad ufara badan oo ah talaamiidi Sheekh Aweys dheere.

Sanadkaan Kiise Xige Alle Hanagu Gaarsiiyo Bash Bash iyo Barwaaqo.

Sawir Qaade : Maxamuud Sheekh Axmed Yare

Warsheekh Muqdisho.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip