Waxa sida caadada aheyd sanad walba xiligaan oo kale lagu qabtaa Xaafada Bellville Magaalada Capetown Wadanka Konfur Afrika siyaaradi Suufi Bisle .
Siyaaradaani oo ee kasoo qeybgalaan dhamaan Soomaalida kunool magaalada
Capetown gaar ahaan xaafada Bellville ayaa waxa lagu dhigay xarunta
reer Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar ee magaalada tan.
Ugu
horeyn waxa xuska Suufiga kahadlay, Sheikh Rashaddin oo ka mid ah
culimada ugu waaweyn dalkaan South Africa oo ku dheeraaday ka sheekeenta
Owliyada Alle iyo dorka ey diinta ka soo qaateen iyo sida islaamka ow
caalamka ugu fiday alxamdulillah asaga oo hadalkiisa ku soo gaba
gabeeyay qasiido nabi amaan ah iyo duco
Waxaa Sidoo kale
Culimadi meesha kahadashay kamid ahaa Sheekh cabduqaadir Axmed Rooble oo
isagana ku dheeraaday ka hadlida owliyada iyo uqitmeynta owliyada
darajada ay dadka dhaxalsiiso, .
Siyaarada Suufiga oo la soo
gabagabeeyay habeenimadi axada ayaa soo bilaabatay habeenki arbacada
aheed ayadoo afar habeen la aqrinaay subacyo maalinti ugu danbeesayna
lagu soo qatimay Quraan aqaris, Dikri iyo Qasaa.ido kala duwan nabi
amaan iyo wacdi aydoo culumadi ka soo qeygashay ee aad ugu dheeraadeen
ka sheekeynta Suufiga lagu siyaartay halkaan iyo sida ow ugu xirnaa
Owliyada Ilaahey iyo heerka ow ku gaaray jeclaantooda iyo jeclaanta
Rasuulka suuban (SCW) ayagoo ugu danbeentii alle uga baryay in Suufigan
janadiisa ku abaal mariyo
Qaar kamid ah Magacyada Culimadi kasoo qeybgashay Siyaarada
Sheik Rash ad din
Shiikh C/qadir Axmed rooble
Shiikh Xuseen Suufi Maxamed
Shiikh Maxamed Ibraahim Garyare
Shiikh Xasan Shiikh yuusuf
Shiikh Maxamed C/laahi
Shiikh Axmed Cali Gacal
Shiikh Macalim Ijaabo
Sh Axmed Shiikh C/raxmaan
Shiikh Raage Macalim Maxamed
Ugu
danbeeyntii Siyaaraadan oo sano kasto lagu qabto xaruunta reer sheikh
cabdi ee fadhigooda yahay xaafada Bellville maagaalada Capetown wadan ka
South Africa ayaa waxaaa soo diyaariyay owlaada Suufi Bisle iyo
Jamacaada Reer Shiikh Cabdiraxmaan Ow Cumar iyo
Ahlu sunnah wal jamaaca capetown
Qaban qaabiyaasha siyaarada
Xaaji Abuukar suufi Maxamuud Bisle (Suuley )
Xaaji Axmed Suufi Maxamuud Bisle (sh Jaa)
Xaaji Cabdullahi Suufi Max’ud Bisle (dhanhow)
Cisman Sh C/rax Sh Mux’ud (cismanow)
Maxamed Sh Cumar Sh Mux’ud (waraabow)
Macalin Muqtaar Sh Xasan Macalin (macalinka)
Macalin Axamed Mux.ud Xaji Xasan ( macalin laa)
C/raxmaan sh Abukar Sh Mux’ud (Tubo )
Aweys Axmed Xaaji Muxyidiin (Shiikha )
Xuseen Xaaji C/raxmaan (kaloore)
Maxamuud Xaaji Abuukar Suuley
W/D: Xafiiska Shabakada Warsheekh
Capetown Konfur Afrika
Dhamaad
Siyaaradi Suufi Bisle ee Wadanka Konfur Afrika (Daawo Sawiro)
Waxa sida caadada aheyd sanad walba xiligaan oo kale lagu qabtaa Xaafada Bellville Magaalada Capetown Wadanka Konfur Afrika siyaaradi Suufi Bisle .