Waxaa jimcihii ay taariikhda aheyd 18-May-2012 lagu Qabtay magaalada Gothenburg ee Sweden. Waxaa ka soo qeyb galay dad weyne tiro badan oo ka kala yimid gobolada Sweden iyo waddamada Scandinavian-ka.
Ziyaarada waxaa lagu billaabay akhriska khitmooyin Qur'aanka kariimka ah.
Qur'aanka ka dib ,waxa la guda galay Tawassulaatka iyo maddaa'ixda sheikha iyo Awliyada kale.
Waxa laga sheekeeyey Manaaqibta iyo Karaamaatka sheikha.
Sheikha dowrkiisa kuma uu koobneyn oo kaliya fidinta Diin , Diintu haba ahaatee aasaaska howsha uu ummadda u haayey.
Bale´ waxa uu dowr laxaad leh ka qaatay soo saaridda iyo horu-marinta shakhsiyad Anfac iyo Wax-tar u leh Diinta, Dadka iyo Dalka.
Xarunta Sheikha waxa ay how u aheyd oo ku noolaa Boqolaal Qoysas Soomaaliyeed ah.
Sheikha waxa uu ahaa Warshad.
Xarunta Sheikha waxa ay aheyd meesha kaliya ee laga heli karo Daryeel /Adeeg bulsho.
Sheikha -Raxmatullaahi Caleyhi- waxa uu ahaa mid Aragti-fog "visionary).
Waxa uu ka dhaqan galiyey Social wellfare System.
Sheikha waxa uu ku Dadaalay in Qofka Diinta baranaya uusan ka wel-welin Nolosha.
Xarunta Sheikha waxa ay aheyd meesha kaliya laga heli karay Diin, Raas iyo Reer iyo Nolol ka kaafisa qofka in uu ku dhaco wixi Allaah ka Xarrimay.
Sheikha waxa uu ka mid ahaa Mashaa'ikhda ilaah ku ilaalshay Islaamnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Ilaahey haka Abaal mariyo Firdawsal Aclaa khidmadii uu qabtay Diinta, Dadka iyo Dalka. Aamiin. Aamiin. Aamiin Allahayow !!!
Culumadii ka hadashay munaasabada waxa ka mid ahaa;
1-Sheikh Abdullaahi Salaad Warsame "sh Abdullaahi Suuleey"
2-Sheikh Ahmad M'llim Abdullaahi Joqof.
3-Sheikh Abdlkariim Sh Omar.
4-Sheikh Cubddurraxmaan husein "Sh Ubeydurrahmaan"
5-Sheikh M'uud Ahmad "Sh Siqdh".
Waxa kaloo la oogaay Xadra.
Ugu dambeyn waxa khatimey Ziyaarada Sheikh Abdurrahmaan Sheikh Muhiadiin Eli oo u Duceeyey Khaaddimiinti soo Agaasimay Munaasabadda oo ka koobnaa Rag iyo dumar.
Wuxuu sidoo Sheikha u Duceeyey Guud ahaan ummada Muslimka ah Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Abaabulka Howlaha Ziyaarada:
1-Al-Haaji Uweys Sh Cali Sh M'diin Celi.
2-Abuukar Siid-fiicane.
3-Sharma'arke Sh Daahir Sulub.
4-Dr Ahmad M'mad Warsheikh.
5-Abdlqaadir Haaji Husein Maalim.
6-Sh M'uud Ahmad "Sh Siqdh"
7-M'llim Ibraahim Ali Hasan Gacamey.
8-Sayyid Cali M'llim Seerjito.
9-Sh Abdullaahi Salaada "sh Suuley"
10-Jibriil M'mad Muuse.
11-Abdrahmaan Sh Ahmad "Thaalith"
12-Faatima Sheikh M'diin Celi.
13-Haajiya Xaliima Abuukar Ahmad.
14-Haajiya Maryam Hiraabe Jimcaale.
15-Haajiya Faatima M'llim Hadaafow.
16-Haajia Maka Husein Mooghe
17-Haajia Xabiiba M'diin
18-Madiina M'mad Muxyiddiin.
19-Fatima Sh Ahmad Sh M'mad.
20-Haliima M'mad Nuur.
21-Binti M'mad Wehliye
22-Saciida Wehliye.
23-Haajiya Calasey Ahmad Cismaan.
24-Luul Xaaji Mukhtaar Sh M'diin Celi.
Ziyaarada waxa ay ku soo Gaba-gabowday Nuur iyo Nafaxaad.Waxaa soo Diyaariyey Iddaarada Ahlu Sunnah wal-Jamaa'ah ee Gothenburg-Sweden.
Siyaro Sh: Muxyiddiin Celi Gothenburg-
Waxaa jimcihii ay taariikhda aheyd 18-May-2012 lagu Qabtay magaalada Gothenburg ee Sweden.