Safiirada Afghanistan u fadhido Norway, ayaa ka digtay in qaxootiga Afghanistan dib loo celiyo

0
Monday December 12, 2016 - 00:17:33 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirada Afghanistan u fadhido Norway, ayaa ka digtay in qaxootiga Afghanistan dib loo celiyo

    Safiirada u fadhida Norway wadanka Afghanistan, ayaa ugu digtay dowlada Norway iyo Sylivi Listhaug inay qasab ku celiyaan qaxootiga reer Afganistan xiligan hada la joogo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirada u fadhida Norway wadanka Afghanistan, ayaa ugu digtay dowlada Norway iyo Sylivi Listhaug inay qasab ku celiyaan qaxootiga reer Afganistan xiligan hada la joogo.

Shukria Barakzai oo ah safiirada u fadhida Afghanistan wadanka Norway, ayaa waraysi aad u dheer oo dhinacyo badan taabanayo, ayna uga hadlayso xaalada nabadgalyo ee wadankeeda siiyay Wargeyska Aftenposten.

Safiirada ayaa sheegtay in aan sifiican looga fakarin celinta qaxootiga reer Afghanistan, iyadoo la ogsoonahay in warbaxintii ay ururka NATO todobaadkan gudahiisa ay ka soo saartay xaalada Afghanistan ay ku sheegeen inay xaalada wadanku ay tahay mid aad u xun.

Shukria ayaa sheegtay inay cawaaqib xumo keeni karto in si qasab ah loogu celiyo caruur iyo hooyooyin meel ay dhibaato darteed iskaga baxeen ciidamadii Norwajiyaanka iyo kuwii kale ee ka yimid caalamka kale.

Waxay sidoo kale sheegtay in wadamada dariskana sida Pakistan iyo Iran ay iyaguna bilaabeen inay qaxootiga ka soo qaxay Afghanistan ay dib u celiyaan. Isku dar 800.000 oo qaxooti ah ayaa lagu celiyay wadanka, iyadoo ay awal 1.3 milyan oo qaxooti ah ay wadanka dhexdiisa u joogeen.

Waxayna dowlada Norway ka codsatay in la joojiyo qaxootiga dib loo celinayo ama dib loo dhigo, laguna aadiyo xili munaasab ah. Sababtoo ah malahin awood aan ku dabooli karo baahidooda.

Laga soo bilaabo bishii oktober ee sanakdna, ayaa dowlada Norway waxay wadanka ka masaafurisay 743 qaxooti rer Afghanistan. 40 ka mid ahna ay yahiin caruur la celiyay maal-mahii ugu danbeeyay. Waxaana sidoo kale sanadkan diidmo la siiyay 3000 oo ka yimid Afghanistan.

Vidar Brein Karlsen oo ah xoghayaha Sylvi Listhaug ayaa ka jawaabay codsiga safiirada Afghanistan, wuxuuna sheegay sheegay inuusan isagu sifiican u garan-karin waxa codsida safiiradu uu ku saabsan yahay. Laakiin celintan qaxootiga waxay salka ku haysaa heshiis sadex geesood ah oo ay dowlada Norway, Afghanistan iyo UNHCR ay galeen 2005, dibna loo cusboonaysiiyay 2011, kuna saabsana dib u celinta qaxootiga ayuu sheegay Karlsen.

Afghanistan Safaarad iyo safiir ayaa u jooga Norway, maxaa Soomaaliya u diidan?

Dowlada Norway waxay xiriir toos ah iyo mid dadbanba la leedahay dowlada Soomaaliya. Iyadoona ay waliba ka mid tahay wadamada siyaasada Soomaaliya horboodayo. Waxaana intaa sii dheer in qaxootiga ugu badan ee Norway degan ay yahiin kuwa asalkooda ka yimid Soomaali. Su’aal iswaydiin mudan ayaa ah, maxaa hortaagan in Soomaaliya ay safaarada udooda xaquuqta dadka Soomaaliyeed uga furan la’dahay Norway ama wadamada kale ee Nordica?.

Xigasho/kilde:Aftenposten.no

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip