Deg-deg, Baarlamanka oo doortay Gudoon Cusub. Lana dhaariyay

0
Wednesday January 04, 2012 - 18:58:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg-deg, Baarlamanka oo doortay Gudoon Cusub. Lana dhaariyay

    Waxa goor dhaw lasoo gaba gabeeyay fadhigi baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa maanta mid xasaasi ah isla markaana cod loogu qaadayay mudanihi kuguuleesan lahaa gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa goor dhaw lasoo gaba gabeeyay fadhigi baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa maanta mid xasaasi ah isla markaana cod loogu qaadayay mudanihi kuguuleesan lahaa gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xilka gudoomiyenimo ayaa waxaa u tar tamayay ilaa 6-Xildhibaan oo uu ku jiro Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed, Xildhibaan C/casiis Xasan Max’ed, Sheekh Nuur Cali Aadan, Xuseen Cismaan Xuseen, Max’ud Macalin Yaxye iyo Cali Sheekh C/laahi Afgooye, iyadoo doorashadaasi uu wareegii koowaad kusoo baxay Madoobe Nuunoow Max’ed.

Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa waxaa uu helay 130-cod
Xildhibaan Max’ud Macalin Yaxye waxa uu helay 63-cod
Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen waxa uu helay 33-cod
Xildhibaan Cali Sheeh C/laahi Afgooye waxa uu helay 16-cod
Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan waxaa uu haley 16-cod

Xildhibaan C/casiis Lafta-gareen tanaasul ayuu sameeyay

Sidaasi daraadeed ayaa gudoomiyaha cusub ee barlamanka KMG Soomaaliya oo uu ku guulaystay Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed markii looga daray codadkii kale ee Xildhibaanada waxaa uu helay 258-cod.

Gaba gabadii gudoomiyaha cusub ee barlamanka Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa isla goobtaasi lagu dhaariyay, iyadoo kulanka maanta la’isku gabal dhacsaday, waxaan shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka Axmed Dhibil Rooble Casowo.

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa inta aan ladooran kahor qudbada uu jeediyay waxa uu kuxusay in waxa ugu horeeyo oo qabanayo ay yihiin yareenta tirada baarlamaanka, hergalinta dastuurka qabyada ah ee KMG iyo waliba taageerida sidi looga gudbi lahaa nidaamka kumeelgaalka loona gudbi lahaa dowlad dhameestiran

Arinta xusida mudan ayaa aheed kadib marki loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa durba waxa soo gaaray xarunta baarlamaanka gawaarida gaashaaman ee Amisom kuwaasi oo isu diyaarinayo sida ay ugalbin lahaayeen gudoonka cusub ee Baarlamaanka.

Galbinta gawaarida gaashaaman ee Amisom ayaa kadhigan mid ay sitoos ah uaqoonsadeen gudoomiyaha cusub walow madaxweyne Shariif uu la aamusan yahay diidmadiisi hore halka Shariif Xasan saaxibadiis qaar kamid ah maanta lagu arkay iyagoo kaqeyb qaadanayo cod bixinta , walow asxaabtiisi suke iyagoo dhiigaya laga saaray madasha maanta.

Si kastaba qudbadihi maanta laga jeediyay madasha ayaa sitoos ah waxa ay mudanayaasha uga dalbadeen beesha caalamka iney taageeraan natiijada kasoo baxda kulankaan ay ku tilmaameen mudanayaasha mid taariikhi ah oo laga gaaray wixi loo soo halgamay.

Mudanayaasha qaar oo jadbada farxada latagtay ayaa kutilmaamay doorashadi maanta mid lamid ah guulihi gobanimo doonka iyagoo sheegay in hore urideen gudoomiye Shariif Xasan maantana ay keeneen badalkiisi.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip