Sidee looga Xusay Dhalashada Nabi Muxamad (CSW) Magaalada Boorame (Daawo Sawiro)

0
Friday July 25, 2008 - 19:29:30 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee looga Xusay Dhalashada Nabi Muxamad (CSW) Magaalada Boorame (Daawo Sawiro)

    Magaalada Boorame ee Maamulka Soomaliland ayaa waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimha badan ee Dhalashada Suubanaha (CSW), ee ku aadaneed 12 Bisha Mowliid ee Sanadka Hijriyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Boorame ee Maamulka Soomaliland ayaa waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimha badan ee Dhalashada Suubanaha (CSW), ee ku aadaneed 12 Bisha Mowliid ee Sanadka Hijriyada.


 

Magaalada Boorame ee Maamulka Soomaliland ayaa waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimha badan ee Dhalashada Suubanaha (CSW), ee ku aadaneed 12 Bisha Mowliid ee Sanadka Hijriyada.


Baabuuro Mikrifoono Lagu Xardhay oo Dadweyne dhinacyo Socdaan Lagana Maqlayo Nabi Amaano lagu weyneenaayo Suubanaha NNKh,

Magaalada Boorame ee Maamulka Soomaliland ayaa waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimha badan ee Dhalashada Suubanaha (CSW), ee ku aadaneed 12 Bisha Mowliid ee Sanadka Hijriyada.

Munaasabaadaan oo ah mid qiimo iyo qadarin mudnaan uleh dhamaan Caalamu islaamka Gaar ahaan Dadyowga Soomaaliyeed oo iyaga ah Bulsho boqolkiiba boqol Muslim ah isla markaana ahlusuna ah had iyo jeerna Weyneeya Xuska maalintaan Qiimaha iyo qadarinta ku leh Caalamu Islaamka .


Qaar ka mid ah Muuqaalada Culimadi iyo Dadweynihi Kasoo Qeybgalay Munaasibadaan Qiimaha leh ee ka dhacday Kheyriyada Boorame

Hadaba Barxada Weyn ee Kheyriyada Boorame ayaa waxaa si aad ah usoo buuxiyay dadweyne fara badan oo socod dheer kusoo maray dhamaan wadooyinka magaalada Boorame kuwaasi oo ku dhawaaqayay nabi amaano lagu xusay Rasuulkeena Muxamad CSW. Iyo Halkudhigyo lagu dhaliilayo dadka diidan Sare u qaadita Maalinta uu dhashay Nabigeena Muxamad NNKH.


Qaar ka mid ah Muuqaalada Culimadi iyo Dadweynihi Kasoo Qeybgalay Munaasibadaan Qiimaha leh ee ka dhacday Kheyriyada Boorame

Hadaba dadki kasoo qeyb galay Munaasabadaan oo ka dhacday Fagaaraha weyn ee Kheyriyada Boorame ayaa waxa halkaas wacdi iyo tusaale ku saabsan waxa ay shareecada ka qabto maalintaan qiimaha leh iyo qeyrka laga helayo ayaa waxa halkaasi qudbad kasoo jeediyay culimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin culimada ahlusuna wajamaaca ee borama Sh: Xildhibaan M/Yasiin Sh cali Ayaanle, Sh Maxamed Macalin Aadan Sh Maxamuud Xoog Badane, Sh C/raxmaan Cayniya Sh xasan Macalin Sh Xasan Soobood Sayid maxamuud sayid sulaybaan iyo culimo kale oo fara badan oo dhamaan ku dheeraaday fadliga ay leedahay Maalintaan iyadoo gabagabadiina ugu duceeyay dhamaan umada muslimka ah in dhibka ka kor qaado bidcadana alaah kaqabto .


Qaar ka mid ah Muuqaalada Culimadi iyo Dadweynihi Kasoo Qeybgalay Munaasibadaan Qiimaha leh ee ka dhacday Kheyriyada Boorame

Gabagabadii Muxaadarada ayaa dadweynihi kasoo qeyb galay socod kale ku maray dhamaan Xaafadaha Magaalada ay ka koobtan tahay iyagoo ku hadaaqayay Nabiga diidow dilaac dilaac maahee dacna dhec,

Hadaba bahda Shabakada Warsheekh Xafiiskodoa Magaalada Boorame oo idin leh Bishaaro Wanaagsan Bishaan Mowliidka ah Fadligeedana Culeeska na haayo ha inogoa Kor Qaado Aaamiin


Waa muuqaal ka mid Dadweynihi Socodka dheer ku maryay Wadooyinka Magaalada oo si jadbeesan ugu luuqeynaayaan Nabi amaano iyo halkudhigyo aad umacaan

 

 

W/D: Sh:Xamse Sh Cumar Good
065200548 telcom
Borame Somaliland

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip