Siyaro Sh:Suufi "Muqdisho

0
Monday January 23, 2012 - 19:51:46 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 5378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaro Sh:Suufi "Muqdisho

    Siyaarada caalimki weynaa Islaamka ee Soomaaliya Sheekh C/raxman Suufi (Al Maqdishi Qudbu Banaadir) oo sanadiba Mar lagu qabto daafaha caalamka ayaa waxa ixtifaal aad uweyn maalinimadi shalay loogu sameeyay halka uu sheekha kaga aasan yahay magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaarada caalimki weynaa Islaamka ee Soomaaliya Sheekh C/raxman Suufi (Al Maqdishi Qudbu Banaadir) oo sanadiba Mar lagu qabto daafaha caalamka ayaa waxa ixtifaal aad uweyn maalinimadi shalay loogu sameeyay halka uu sheekha kaga aasan yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamarweyne
,Xuska Sheekh C/raxman Suufi oo sanadkaani ahaa mid aad uga balaaran xusaski hore ayaa waxa kasoo qeybgalay, dhamaan culimada waaweyn ee Ahlusunnah Waljamaac ee Daruuqa Suufiya hadii ay ahaan leheed Mudarasiinta wax ka dhigtay Masjidyada, Mowlacyada, Jaamacadaha, Machadyada iyo talaamiidooda.

Dhanka dowlada waxa siyaaradani aheed siyaaradi ugu balaarneeed oo madax intaa la eg ay kasoo qeybgasho tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya, waxana banaanbaxa siyaarada oo aheyd qatinka siyaarada kasoo qeygalay, tiro wasiiro ah oo uu horkacayay Wasiir ku abtirsada Sheekheena Sheekh c/raxman Suufi oo lagu magacaabo

1. Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo gureynta
Mudane Jeynaani Sheekh Nuuraani Sheekh Iikeer Sheekh C/raxman Suufi

2. Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo amniga qaranka
Mudane Cabdisamad Macalin Maxamud Sheekh Xasan Faarax

3. Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada
C/qaadir Sheekh cali Ibraahim

4. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya
Jeneral Shariif Sheekhuna Maye

5. Gudoomiyaha gobolka Banaadir
Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)

6. Madaxweynaha maamul goboleedka Owdal State
Dr: Cabdirashiid Aw Nuur Hersi
Xildhibaano iyo madax kale oo dhamaan kawada tirsan qeybaha kala gedisan ee Dowlada Soomaaliya.

Allaah Unaxariistee Xuska siyaarada Sheekh C/raxman Suufi oo ka mid ah Owliyada Ilahey kuwoodi ugo'doomay uqidmeenta diinteena Sharafta badan ee Islaamka isagoo noloshiisa ku dhameestay fidinta Diinta Islaamka, ayaa xuskiisa waxa soo wada xaadiray iyadoo kala sooc laheen culimo iyo Caamo kuwaasi oo mid waliba muujiyay dareenkiisa ku aadan maalintaan qiimaha badan.

Sida caadada u ah siyaarooyinka Daruuqu Suufiyah ayaa waxa mudadi sadex maalin ay socotay siyaarada Sheekh C/raxman Suufi waxa laqabtay qadmooyinka Qur’aan Aqriska uu sabax waliba kaoscotay qabriga Sheekha iyadoo maalinti shalay aheydna la isugu yimid banaanbaxyo waa weyn oo lagu soo bandhigay xilqooyin dikri ah sida, Uweysiyah, Seyliciyah, Axmadiyah, Rufaaciya oo dhamaan kuwada abtirsato saadaatu Daruuqu Suufiyah.

Marki lasoo gaba gabeeyay banaanbaxyadi ayaa waxa bilowday qudbadihi culimada iyo madaxdi kasoo qeygashay siyaarada ay ujeedinayeen dadweynihi isugu yimid halkaasi oo iyaga lagu qayaasay tiradooda kumanaan.

Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo guryeynta oo marti loo ahaa bacdama owlaada Shiikheega Sheekh c/raxman suufi yahaya yaa waxa uu ugu horeyn soo gudbiyay salaan uu kasiday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanak Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiwili Maxamed Cali, isagoo sidoo dhamaan umadi kasoo qeybgashay isyaarada alle uga baryay danbi dhaaf iyo ajir inuu kasiiyo soo xaadirida maxalkaan qeyrka leh.

Sidoo kale waxa isna goobta kahadlay wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane Cabdisamad Macalin Maxamud oo ku dheeraaday kasheekeenta xuska Sheekh c/raxman Suufi iyo muhiimada oo uleedahay umada Soomaliyeed

Mudane Cabdisamad ayaa sidoo kale xusay in Sheekh c/raxman Suufi fidinta diinta islaamka uusan u adeegsan qasab balse dadka qalbiyadooda Alle Raxmad ugaliyay sidaana tahay wadada saxda ah ee xaqa lagu faafiyo diintuna tahay mid nasiixa ah .

Dhanka kale waxa isna goobta ka hadlay wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada Mudane C/qaadir Sheekh cali Ibraahim oo si aad ah ugu nuux nuuxsaday ahmiyada ay leedahay xuska Sheekh C/raxman Sufi isagoo tusaale usoo qaatay aayado qur’aanka kariimka ah iyo axaadiista Rasuulkeeni Muxamed (CSW).

“Walaalayaal xaq iyo baaqil ma’ahan kuwa meel isla geli kara, bal ufiirso dadkaan intaan la eg yaa meel isugu keeni kara , xataa hadii aan dhaho lacag ayaa idin siinaa ma isku keeni kari, laakin waxa nakulmiyay waa wanaaga iyo qeyrka Sheekh c/raxman Suufi agtiisa laga helayo, walaalayaal cidna nama wicin dhamaantayadana maxabadadiisa ayaa ilahey qalbigeena ku beeray ee walaalayaal diinta saxda ah waa taa ee hala raaco”, ayuu yiri wasiirki kuxigeenki wasaaraha waxbarashada mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal kooban kajeediyay gudoomiyaha gobolka banaadir Mudane Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo isna soo hadal qaaday sida naxariista kudheehan tahay oo ay culimada suufiyada diinta ufaafin jireen.

“Dadkaan intaa la eg laguma keenin seef qoorta laga soo saaray ee naxariis iyo wanaaga dhabta ah ee diinta oo laga run sheegay ayeey ku yimideen” ayuu yiri mudane tarsan isagoo hadalka sii wataana waxa uu yiri: “aniga iyo idinkaba waxa hubaa midkeena inuusan arkin Sheekh C/raxman Suufi balse waxa meeshaan nagu kulmiyay ayaa ah inuusan sheekha fidinta diinta u adeegsan qasab iyo jujuub”, ayuu yiri gudoomiye tarsan oo dhanka kalena mahad celin usoo jeediyay shacabki halkaa soo xaadiray oo kutilmaamay kuwi horseeday nabada maanta muqdisho ka muuqato oo kow katahay xuskaan sida nabada ah kudhacay.

Dhanka kale waxa iyana hadal kooban halka kajeediyay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye, xildhibaano Wasiiro, Culuma’udiin iyo marti sharaf kale oo dhamaan kunuux nuuxsaday sida ay muhiim utahay in la weyneeyo xusaska Culuma’udiinka Soomaaliyeed iyo doorki ay kasoo qaateen fidinta diinta islaamka iyadoona dhiig lagu daadin , isla markaana la baneesan dhiiga walaalaha kale ee Muslimiinta.

Gunaanadki Siyaarada ayaa waxa duco kusoo gaba gabeeyay sheekha wilaayada reer Sheekh Suufi Haya Sheekh Abashaan Sheekh C/raxman Sheekh Max'ed Sheekh Osman Sheekh Suufi, oo halkaa ugu duceeyay dhamaan saa’iriinti kasoo qeygashay siyaarada iyo kuwa qalbiga kuhayay Sheekha isagoo ugu duceeyay Aduunyo iyo Aakhiro taam ah.

Xusuusin

Doorka Sheekh C/raxman Suufi ee fidinta diinta islaaamka ayaa waxa si isku mid ah uga wada hadlay culimo kuxili aheed sheekha iyo waliba kuwi diinka kadhaxlay, waxana kamid ahaa culimadi sida weyn ugaraneesay Sheekh C/raxman Suufi , Sheekha ee samiga yihiin ee Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celi) oo shicir ku amaanay Sheekha iyo doorki uu kulahaa in diinta islaamka ay ku faafto Soomaaliya iyadoo seef laqaadan.

"Qofki doonayo muraad inuu helo , hasiyaarto Sheekh Suufi", (Man Araadal Muraad, Falyasur Sheekha Suufii) “, ayuu shicir aad umacaan badan kuyiri qeyr Alaah siiye Sheekh Cabdi waxa uu si balaaran umuujinayaa Qiimaha ay leedahay Xuska Owliyada Ilaahey .

Shiikheena Sheekh C/raxman Ow Cumar oo si weyn loogu yaqaan Fidinta Diinta Islaamka ayaa isagana waxa uu nolshiisa ku dhameestay uqidmeenta Diinteena iyo Daacada Rasuulaka ayaa runtii waxa uu qasiidooyin badan uga hadlay Sheekheena Sheekh Suufi isagoo markale yiri " Dabeecada Sheekh Suufi waxa ay eheed Tii Nabiga oo aan Meel Looga Badalin" (Dabiicatu Sheekhinaa Suufii, Kadhaa Qeyri Qalqilaah) Allaahu Akbar Maasha'alaah Ilaahey Quluubteena haku Beero Maxabada Nabiga iyo Owliyada Ilaahey oo iyaga ah kuwa Xabaarsan Diinteena Islaamka Micigoodana lagu liibanayo.

Waa bahda xafiiska shabakada Warsheekh ee muqdisho
oo idin leh sanadkaan kan xiga guul iyo baraare .


W/D: C/raxman Sheekh C/llaahi
E-mail: farxad95@hotmail.com
Skype farxad114
Tell: +252-(0)-615534114
Mogadisho-Somaliya

Daawo dhamaan sawirada oo dhan


http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(05).JPG
Cabdisamad Macalin Maxamed Sheekh Xasan Faarah Wasiirka Arimaha Gudaha
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(08).jpg
Shariif Sheekhuna Maye Taliyaha Booliska Soomaaliya
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(09).jpg
Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur Tarsan
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(03).JPG
Madaxweynaha Maamul goboleedka Owdal State, Dr: Cabdirashiid Aw Nuur Hersi
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(01).JPG
Wasiiro, Xildhibaano iyo marti Sharaf kale oo fadhiya goob sare oo culimada logu talagalay


Sh: Aadan Cali Xasan oo kamid ah culima'udiinka Ahlusunah Waljamaac kuwooda ugu caansan laguna xasuusato bari samaadki Ducada aadka umacaaneed ee maalin walba laga sii deen jiray aadanka kadib raadiyo Muqdisho

http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(2).JPG
Qabriga Sheekh C/raxman Suufi (Qudbun Balaandir) oo ay jameecaadka ufadhiyaan qur'aan aqriski siyaarada
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(3).JPG
Xaaji Xuseen Sheekh maxamed Faqay Yuusuf iyo Shariif Isku duub iyo jameecooyin kale
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(4).JPG
Xaaji Xuseen Sh: Max'ed Faqay Yuusuf, Shariif Iskuduub, Sh: Maxamed Sh: C/qadir Sh: OOyaaye iyo Jameecadi Reer Sheekh Aweys Dheere
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(5).JPG
Jameecadi Reer Sheekh Cabdi Celi oo fadhiyaan qadmadi Siyaaradi Sheekh Suufi
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(6).JPG
Salawaatka Siyaarada Sheekh Sufi oo aqrinayo Cade Imaam Cade Sh: max'ed Sh: Suufi
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(7).JPG
Qadmadi Qur'aan Aqriska Siyaarada oo ay culimada ufadhiyaan Maalinti labaad
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/llll.jpg
Sheekh Abashaan Saaxibul Wilaayaha reer Sheekh Suufi oo uduceynayo kasoo qeybgalayaasha
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(11).JPG
Jaameecada Reer Sheekh c/raxman Ow Cumar, Sh:C/raxman Sheekh Muxumed, Qaliif Maxamud Ibraahim Faante, Xaaji C/llaahi Sheekh Muxumed, Qaliif Baraan
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(07).JPG
Sheekh isman Sheekh Muxumed oo taagan banaanka Masjidka Sheekh Suufi iyo caruur salawaat aqrineyso
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(1).JPG
Xilqadi dikriga jameecada Reer Sheekh Cabdi Celi oo dikrigi Seyliciyada oogeen
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(8).JPG
Masha'alaah waa mid kamid ah xilqooyinka dikriga daruuqu Suufiyah
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(9).JPG
Caruur kaqeyb qaadaneyso banaabaxa Shiikheena Sheekh c/raxman Suufi.
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(10).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(06).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(04).JPG
Qaar kamid ah Xirti soo camirtay banaanbaxa Sheekh C/raxman Suufi
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siyaar-suufi-%20(12).JPG
Qaar kamid ah jamaacaadka oo taagan dikr

Dhamaad


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip