Gothenburg: Siyaro Sh: Lobage

0
Friday May 11, 2012 - 16:20:46 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gothenburg: Siyaro Sh: Lobage

    Muslimiinta kunool dalka Sweden gaar ahaan Soomaalida degan caasimada labaad ee dalkaasi ee Gothenburg ayaa waxa ay si weyn uxiseen siyaaradi sheekhi weynaa ee caalimka ahaa Sheekh Looboge.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muslimiinta kunool dalka Sweden gaar ahaan Soomaalida degan caasimada labaad ee dalkaasi ee Gothenburg ayaa waxa ay si weyn uxiseen siyaaradi sheekhi weynaa ee caalimka ahaa Sheekh Looboge.
Munaasabada lagu xusayay sheekha oo aheed mid si aad ah loo soo agaasimaya ayaa waxa ugu horeen dadki kasoo qeybgalay siyaarada sheekha wajiyadooda laga dheehan karay nuurka Islaamka iyadoo gogosha la isugu imaanayana ay aheed mid si weyn loo qurxiyay loona sii diyaariyay.

Sheekha oo Sanad walba Siyaaradiisu Kadhacdo daafaha caalamka ayaa sanakadaani Somalida kunool dalka Sweden gaar ahaan magaalada Gothenburg ee si weyn usoo camireen goobta lagu xusayay sheekha iyadoo ay hor kacayaan culimo caan ah oo bulshada dhaxdeeda sharaf iyo magac kuleh.

Culimada kasoo qeybgashay Xuska Sheekh loobage ayaa waxa kamid ah

Sh Abdiraxmaan Mire Jimcaale
Sh: Abdulaahi Sadaq Sh Omar
Sh: Abdulahi Warasame
Macalim Aadan
Macalim Mire Macalim Ahmed
Macalin Nuur Macalim Xasan

Dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu Maqsuudeen habka ay culumadu uga haqab tireen Diinta Islaamka ayada oo sidoo kale culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay doorkii Caalamka weyn Sheekh Loobage uu Diinta islaamka Garsiinteeda Bulshda soomaaliyeed uu ka Qaatay.

Sidookale waxaa goobta kadhacay Saliga Nibiga (NNK) iyo Qasaa.idka Sheekha iyo waliba dikri fadhi iyo istaag isugu jira.

Waxaa xusid mudan in Siyaarada sheekha ay si weyn uga shaqenayeen Qaadimeen Kuxeel dheer Shaqada oo rag iyo Haween isugu jiray kuwaasi oo si Qiimo badan uga Qidmeenaya dadkii martida ahaa ee ka soo qeyb galay siyaarada sheekh Loobage.

Qaar kamid ah magacyada qaban qaabiyaashi Siyaarada.

Macalim Mire Macalim Ahmed
Aydaruus Sh Ali Rooraye
Sh Ahmed Sh Ali
Sh Abdulahi Kilwo Ciise
Abdirashiid M Yusuf
Xaji Husen Maxamud Ciise
Bashiir Xaaji
Abdirizaaq Osman Rooraye
Faadumo Sayad Ali
Safiyo Sh Adan
Sacdiyo Fure
Geedey Huseen Xaaji
Ruquyo Yusuf Adan
Kafeeyo Khaliif

Siyaarada sheekha ayaa ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada sheekha u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa iyo ducooyin.

Halkaan Hoose kadaawo dhamaan Sawirada Siyaarada

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(1).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(2).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(3).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(4).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(5).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(6).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(7).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(8).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Loobage_1%20(9).JPG

DHAMAAD

W/D: Axmed Macalim


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip