Siyaro Sh:Jilani"Nairobi"

0
Friday December 30, 2011 - 13:30:56 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaro Sh:Jilani"Nairobi"

    Xuska Shiikha weyna ee ku Caanbaxay fidinta diinta Islaamka ee Shiikh C/qaadir jiilaani ayaa waxaa lagu qabtay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuska Shiikha weyna ee ku Caanbaxay fidinta diinta Islaamka ee Shiikh C/qaadir jiilaani ayaa waxaa lagu qabtay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Xuska Caarifkaan weyn ee ka midka ah Culamaa’u Tasawuf ayaa waxaa aalaaba xilligaan oo kale lagu qabtaa daafaha caalamka iyadoo ay taasi usii dheertay manaaqibka Shiikha oo todobaadkasta maalinimada Arbacada ah lagu xuso dunida dacaladeeda kala gedisan.

Waxaa Xuska Shiikha lagu bilaabay qadmooyin qur’aan, Salawaatka Rasuulka CSW , Qaar ka mid ah Qasaa’idka Shiikha iyo Manaaqibkiisa.

Qadmooyinka iyo Tawasulaadka kadib ayaa waxaa Arlu Soomaali loogu duceeyey in Ilaahey dhibaatada ku habsatay ka qaado abaarta in Ilaahey Aaran kubadalo Masiibada diinta ku habsatay in Ilaahey Nasri kubadalo Colaada dalka ka jirta in Ilaahey nabad kubadlo iyo in Ilaahey dadka quluubtooda isu soo dumo oo ay isa saamaxaan Eebana ay u toobadkeenaan.

Dhinaca kale dhalinyaradi Ahlusunna Waljameeca ee kasoo qeybgalay Siyaarada ayaa waxa ay oogeen xelqo Uweysiya ah oo lagu soo qatimay Xuska Shiikha aan dariiqadiisa Heesano ee Sh C/qaadir Jiilaani.

Gaba gabdii iyo Gunaanadkii Siyaarada ayaa waxaa halkaasi kasoo qeybgalayaasha ugu duceeyey Shiikha Hogaanka u ah dadka u nisba sheegta dariiqada Qaadiriya ee Sh Axmed Sh Uweys Sh Muxidiin Sh Uweysul Qaadiriya oo ah faraca Shiikha Macruufka ah ee dalkeena sida weyn diinta ugu faafiyey iyo dariiqada ee Sh Uweysul Qaadiriya.

Shiikha ayaa waxaa uu u duceeyey dhammaan dadki gogosha fidiyey, Qaadumiinta iyo Qaa’idiinta digriga oogtay in Ilaahey Shiikha Barakadiisa ugu fududeeyo Umuurahooda aduun iyo Aakhiro waxaana uu gunaanadkii Siyaarada Shiikha Fadligiisa dalkeena ugu duceeyey Nabad waarta iyo Isu tanaasul ay la yimaadan dadka Somalida ay colaada ka dhaxeeysa.

Qoraa iyo Sawir Qaade:

Cali Sh Axmed (Caliyare)

E-mail:c_yare2@hotmail.co.uk

Xafiiska wararka Shabakada Warsheekh ee Nairobi.

Daawo Sawirada













Dhamaad

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip