Dagaal markale Saakay kasocda Magaalada Baladweyne

0
Sunday February 12, 2012 - 10:50:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal markale Saakay kasocda Magaalada Baladweyne

    War deg-deg ah oo iminka naga soo gaaray xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa sheegaya in markale saakay halkaasi ay kasocdaan dagaal beeleed udhaxeeyo laba beel oo degta gobolka iyadoo dagaalka saakayna uu dhaliyay khasaaro xoogan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg-deg ah oo iminka naga soo gaaray xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa sheegaya in markale saakay halkaasi ay kasocdaan dagaal beeleed udhaxeeyo laba beel oo degta gobolka iyadoo dagaalka saakayna uu dhaliyay khasaaro xoogan.
Dagaalka ayaa ka soconaaya xaafadda H/wadaag ee galbeedka Magaalada Baladweyne, waxaana aad u kacsan xaaladda Magaalada Baladweyne, waxaana istaagay gebi ahaan ganacsigii ka jiray xaafadda uu dagaalku ka socdo.
Maxamuud Nuur Cago Joof oo u hadlaayay Maamulka Dooxada Shabelle ayaa saxaafadda u sheegay in Ciidamada Maamulkoodu ay magaalada Baladweyne kula dagaalameen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dadka dagaalka wada ay yihiin kuwo nabad diid ah.
“Waxaa jirta in dad qabqablayaal ah oo aysan jirin cid dooratay ayaa ku duulay dad shacab ah, islamarkaana dhibaato xooggan gaarsiiyay” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Xasan Aadan (Cumar dheere) oo ka mid ahaa xubnihii Barlamanka ee dhawaan gaaray Magaalada Baladweyne.
Wararka ayaa waxa ay yihiin kuwa iska soo daba dhacayo iyadoo xusid mudantahay in dagaalada iminka kasocda gudaha magaalada Baladweyne ee dusha sare ka eeganayaan ciidamada dalka Ethiopia ee kusugan gudaha degmadaasi.

Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip