Afhayenka Ahlu Suna “Aala Sheekh Waa Sida Shabaab oo Kale”

0
Wednesday March 07, 2012 - 11:57:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayenka Ahlu Suna “Aala Sheekh Waa Sida Shabaab oo Kale”

    Sida ay shaaca ka qaadeen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Kooxda Aala Sheekh Garuub ee Villa Soomaaliya in ay yihiin kuwa banaystay dhiigga Islaamka islamarkaan aan la isla bar bar dhigi karin Culimada Ahlu Sunna Waljamaaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay shaaca ka qaadeen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Kooxda Aala Sheekh Garuub ee Villa Soomaaliya in ay yihiin kuwa banaystay dhiigga Islaamka islamarkaan aan la isla bar bar dhigi karin Culimada Ahlu Sunna Waljamaaca.
C/laahi Axmed Samatar oo ah afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa waxa uu sheegay in uu xiriir ka dhaxeeyo Kooxaha Aala Sheekh Guruub Ictisaam iyo Xarakada Al Shabaab.

Isagoo sheeegay in Kooxda Aala Sheekh ay yihin dad dhiigga Umadda Soomalaiyeed ku raadjinaya xil islamarkaana ay horey u baneeyeen dhiigga shacabka Soomaaliyeed, wuxuna sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay la mid yihiin Kooxdaasi maadaama sida uu tilmaamay iminka ay si qasab ah ku qaataan hantida Umadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in shareecada Islaamka aan qabin in la isla meel dhigo Al Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca maadaama uu sheegay in Ahlu Sunna ay yihiin dad jecel midnimada Umadda Soomaalida iyo bad baadinta hantidooda sida uu hadalka u dhigay.

Si kastoy ahaataba wixii ka dambeeyay markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in Kooxda Aala Sheekh Guruub ay af gambi kula wareegtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa soo badanayay shaqsiyaadka mucaaradka ku ah Kooxdaasi oo ay ku tilmaameen inay la mid yihiin Kooxda Al Sabaab.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip