Turkiga oo Furayo wada hadal udhaxeeyo Dowlada iyo Alshabaab

0
Thursday March 08, 2012 - 14:40:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo Furayo wada hadal udhaxeeyo Dowlada iyo Alshabaab

    Turkiga ayaa billaabay inay wadahadallo la yeeshaan Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida maanta oo Khamiis lagu daabacay wargeys kasoo baxa dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga ayaa billaabay inay wadahadallo la yeeshaan Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida maanta oo Khamiis lagu daabacay wargeys kasoo baxa dalka Turkiga.
Wargeyska maalinlaha ah ee The Hürriyet ayaa sheegay inuu ogaaday in danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Dr Kani Torun uu wadahadallo la yeeshay xubno sarsare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wadahadalladan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo loogu raadinayo sidii hay'adaha Turkiga ee Soomaaliya ku sugan ay uga howlgeli lahaayeen gobollada ay ka taliso Al-shabaab, balse wargeyska ayaa sheegay in wadahadalladan ay qayb ka yihiin dadaallo uu Turkigu ku doonayo inuu ku sameeyo marin ay kuwada-hadli karaan DKMG ah iyo Al-shabaab oo muddo sanooyin ah dagaalamayay.

"Halkan waxaa ka jira dhibaatooyin badan, lagumana xallin karo xilli gaaban," ayuu ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Bekir BozdaÄŸ ugu sheegay Muqdisho Salaasadii koox wariyeyaal ah, kaddib markii uu xariga ka jaray duulimaadyo ay shirkadda Turkish Airways ay ka billaabayso Muqdisho. "Waxaan dadaallo badan ku bixinaynaa sidii aan nabad uga dhalin lahayn Soomaaliya oo aan ugu guuleysan lahayn horumarka ku aaddan in nabadda Soomaaliya lasoo celiyo."

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay dhawaan ku biirtay Al-Qaacida, taasoo dunida oo dhan walaac ku kordhisay, waxayna muddo sannado ah dagaallo kula jireen DKMG ah iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Wararka ay baahinayaan jaraa'idka Turkiga ee ku aaddan arrintan ayaa waxay ku xuseen in Turkigu uu isku dadayo inuu meesha ka saaro dacaayado ay horay uga fidisay Al-shabaab oo ahaa inay Soomaaliya ka qaybiyaan raashin dhacay ayna u joogaan arrimo gumeysi.

"Waxaan halkan (Muqdisho) u joogno waa sidii aan ula dagalaami lahayn xaaladaha bani'aadamnimo ee jira, si aan u joojinno dadka gaajada u dhimanaya. Wax dan ah oo kale kama lihin dadaalka aan ku caawinayso Soomaalida," ayuu yiri BozdaÄŸ. "Sidoo kale wax dan ah kama lihin inaan keeno halkan raashin sumeysan ama mid dhacay."

Dowladda Turkiga ayaa waxay ka mid ahayd dalalkii u soo gudmaday Soomaaliya markii ay abaaraha xumi ku dhufteen gobollada dalka, gaar ahaan kuwa Koonfurta ku yaalla halkaasoo ay dad badan oo kasoo cararay soo gaareen Muqdisho.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip