Midowga Afrika oo sheegay in waqtiga u kordhiyay sii joogitaanka Soomaaliya Ciidamada AMISOM

0
Tuesday December 23, 2008 - 11:10:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo sheegay in waqtiga u kordhiyay sii joogitaanka Soomaaliya Ciidamada AMISOM

    Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika oo shalay ku kulmay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa waqtiga ugu kordhiyay sii joogitaanka Soomaaliya Ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika oo shalay ku kulmay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa waqtiga ugu kordhiyay sii joogitaanka Soomaaliya Ciidamada AMISOM.

Goluhu ayaa isku raaci waayay in la soo dhameystiro Ciidamada ka jooga Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu taa badalkeeda muddo labo bilood waqtiga ugu daray kuwa haatan ka jooga Soomaaliya ee ka kala socda Dalalka Uganda iyo Brundi.


"Golaha Amniga iyo nabadgelyada Midowga Afrika markii ay ka doodeen xaaladda dalka Soomaaliya waxay isku raaceen in waqtiga loo kordhiyo 3,400 askari ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo ay sii jooyaan muddo labo bilood oo kale" ayaa lagu sheegay hadal qoraal ah oo gabagabadii kulankaasi laga soo saaray kulanka, saxaafaddana uu u akhriyay afhayeenka ururka Midowga Afrika.


Midowga Afrika ayaa ku fashilmay inuu Ethiopia ku qanciyo inay sii joogto Soomaaliya tan iyo inta laga soo dhameystirayo Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM, waxaana ay xaqiijiyay in Ethiopia ka go'an tahay inay Ciidamadeeda kala baxdo Somalia.


U qeybsamaha Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Nicolas Buwakira ayaa ka dalbadaya Dowladda Ethiopia inaysan dayicin Soomaaliya isla markaana ay sii joogto.


Rajada laga qabo in lagu soo dhameystiro Ciidamada AMISOM ayaa mugdi sii galeysay, waxayna tallaabadan imaaneysaa xilli Qaramada Midoobey ay si cad u sheegtay in eeysan u diri doonin somaliya ciidamo caalami ah.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip