Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada oo uruqaansaday Diinsoor

0
Tuesday April 10, 2012 - 09:50:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada oo uruqaansaday Diinsoor

    War deg-deg ah oo iminka inaga soo gaaray gobolka Bay ayaa sheegaya in degmada Diinsoor ee saakay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah kadib marki laga war helay ciidamo lixaad leh oo ka kala socda dowladaha Soomaaliya iyo IToobiya ay kusoo wajahan yi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg-deg ah oo iminka inaga soo gaaray gobolka Bay ayaa sheegaya in degmada Diinsoor ee saakay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah kadib marki laga war helay ciidamo lixaad leh oo ka kala socda dowladaha Soomaaliya iyo IToobiya ay kusoo wajahan yihiin degmadaasi.
Ciidamadani ayaa lasheegay iney ku hubeesan yihiin gawaarida gaashaaaman sida Taangiyada iyo waliba hubka fudud, waxana taasi keentay in baqdin xoogan ay soo wajahdo dadka reer Diinsoor kuwaasi oo walaax xoogan ka qaba khasaaraha ka dhalan kara dagaal kudhax maro deegaankooda ciidamada Alshabaab iyo kuwa huwanta ah.

Sarkaal sare oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo isagoo kusugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay aan wax ka su'aalnay dhaq dhaqaaqa saakay ciidanka dowlada ka wadaan deegaano kudhaw degmada Diinsoor iyo xiisada ka taagan gudaha degmadaasi ayaa ka gaabsaday inuu wax war ah nooga sheego arintaasi.

Inkastoo saakay xaalada degmada Diinsoor ay tahay mid kacsan isla markaana dadka deegaanka ay baqdin ka qabaan dagaal degmada kudhax mara Alshabaab iyo ciidamada Huwanta ayaa hadana sida kadhacday degmooyinka kale ee gobolka waxa lasii saadaalinaya in si nabad ah Alshabaab ay ku faarujin doonto degmada bacdama degmooyin ka istarajiitisan degmada Diisnoor ay si nabad ah uga baxeen.

Saacadihi lasoo dhaafay ayaa qalabka warbaahinta waxa caga jugleen kajeediyay madaxda sare ee maamulada dowlada uga ah gobolka Bay iyagoo ku goodinayay guud ahaan gobolada la isku yaraahdo Bay iyo Bakool in gacanta dowlada soo gali doonaan.

Wixi kusoo kordha dib ayaa idinkala socod siin doonaa
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip