Kadib qabshada ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa waxa isasoo taraya maalinba maalinta ka dambeesay inuu dhici karo goor dhaw howlgal ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku gaaraarayaan qaar kamid ah degmooyin katirsan gobolada dariska la ah magaalada Muqdisho.
Hadal heynta ayaa waxey cirka isku sii shareertay kadib marki magaalada Muqdisho maalinti shalay looga dhawaaqay guud ahaan maamulka dowlada ee uga wakiilka noqon doonto Degmooyinka gobolka Shabeelada Dhexe.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa siweyn uhadal haya howlgalka ciidamad dowlada iyo kuwa AMISOM ay dhawaan kugaarayaan deegaano mudo sanooyin ah aysan cag dhigin.
Saraakiisha Ciidanka dowlada ee sida weyn loo hadal hayo in guutooyin ay hogaaminayaan ay gaaraan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa kamid ah taliyaha guutada kowaad ee xooga Dalka Coll, Cagey.
Taliyahaani ayaa ka gaabsaday xiliga kama dambesta ah ay ciidamadiisa ay ka ruqaansan doonaan aagaga hore ee magaalada Muqdisho iyagoo gaari doono deegaanada loo barkacay ee ceelasha Biyaha ilaa degmada Afgooye.
Sidoo kale taliyaha ciidanka lugta ee dowlada Soomaaliya jeneral Gacmo Dulle ayaa isagana waxa la rumeesan yahay inuu hogaamin doono ciidamada dowlada ee uruqaansan doono deegaanada Caliyaale ilaa degmada Balcad halkaasi oo noqon doonto fariisinka rasmiga ah ee dowlada kaga maamuli doonto galida iyo bixida magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Naqshadaha howlgal ee dowlada Soomaaliya kudooneeso iney kuxaqiijiso amaanka Muqdisho ayaa ah mid hadal heynteeda ay sii kordheyso hasa yeeshe waxana si rasmi ah loo ogeyn xiliga dhabta ah ay arintaani dhaceyso.
Saan xoogan ayaa laga dareemayaa deegaanada loo kacay ee duleedka Muqdisho sida, Garasbaaley, Calamanka. Km13, Ceelasha Biyaha, Ceel cirfiid, Calayaale, Gubadley, Ceelcade, Sheekh Cali Cabdule iyo deegano kale oo dhowr ah dhamaana dhaca cirifyada magaalada Muqdisho kuwaasi oo ah halka ugu horeyso ee saamen doono howlgalka ciidanka dowlada qorsheyneeso.
Goormee Ciidamada Dowlada Gaarayaan Balcad & Afgooye?
Kadib qabshada ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa waxa isasoo taraya maalinba maalinta ka dambeesay inuu dhici karo goor dhaw howlgal ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku gaaraarayaan qaar kamid ah degmooyin katirsan gobo