Taliyaha Hay’adda Nabad sugida gobolka Banaadir ee dowldda KMG Soomaaliya Khaliif Axmed Irig oo qadka taleefanka Shir jaraa’id ugu qabtay Saxaafadda ayaa waxa uu ka hadlay baaritaano xalay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Khaliif ayaa waxa uu sheegay in baaritaano ay ka sameeyeen degmooyinka Wardhiiglay, Yaaqshid iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay ku qabteen rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo sidoo kale waxyaabo qarxa oo uusan cadadooda sheegin.
Taliyaha Hay’adda Nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in howlgaladaani aysan ahayn kuwa intaan ku eg balse ay socon doonaan ilaa ka xaqiijiyaan amaanka magaalada Muqdisho.
Howlgaladaani ayaa waxa ay imaanayaan xili magaalada Muqdisho ay ka dhacaan xiliyada habeenkii dilal iyo qaraxyo qorsheysan oo isadaba joog ah, lamana oga baaritaanadaani waxa ay ka badali doonaan xaaladda magaalada.
Taliyaha Nabad Sugidda oo kawar bixiyay howlgal dad lagu soo qab qabtay
Taliyaha Hay’adda Nabad sugida gobolka Banaadir ee dowldda KMG Soomaaliya Khaliif Axmed Irig oo qadka taleefanka Shir jaraa’id ugu qabtay Saxaafadda ayaa waxa uu ka hadlay baaritaano xalay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdish