Hogamiye Koxedyadi Muqdisho oo qorsheynayo dagaal cusub

0
Tuesday May 01, 2012 - 15:08:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogamiye Koxedyadi Muqdisho oo qorsheynayo dagaal cusub

    Waxa magaalada Muqdisho shir aan caadi aheyn isugu yimid siyaasiyiin iyo xildhibaano katirsan dowlada Soomaaliya oo ay hor boodayaan hogaaamiye kooxeedyo caan ah oo reer Muqdisho kuwaasi oo waqti soo hor boodayay siyaasada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Muqdisho shir aan caadi aheyn isugu yimid siyaasiyiin iyo xildhibaano katirsan dowlada Soomaaliya oo ay hor boodayaan hogaaamiye kooxeedyo caan ah oo reer Muqdisho kuwaasi oo waqti soo hor boodayay siyaasada dalka.
Kulankaani oo umuuqday mid lagu muujinayay mowqifka mas'uuliyiintaani ay ka qabaan Dastuurka Qabyo Qoraaleedka Soomaaliya kaasi oo sida muuqato inta badan dadka kasoo jeeda gobolada Konfurteed ay saluugsan yihiin.

Mudane Muuse Suudi ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aanay ogolaan karin isla markaana uu yahay gogol-dhaaf aanay kasoo baxayn wax ay dani ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Dastuurkan lala rooraayo waa mid aanay dani ugu jirin dadka, innagu mas'uuliyiin ayaan nahay waana na weydiinayaan dadka aan xildhibaannada u nahay, marka wax aan u jeedno inaysan wanaagsanayn ma ogolaan karno," ayuu yiri xildhibaanka oo si cad u sheegay inay dadka reer Muqdisho kasoo horjeedaan dastuurka.

Xildhibaan Muuse Suudi ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen in lagu tilmaamo dad qas-wadayaal ah haddii ay ka hadleen dastuur ay u jeedaan inaysan dani ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Annagu ma ogolaan karno in dastuur ay ku qoran tahay qofkii ajnabi ah ee dalka jooga shan sano wuxuu noqonayaa muwaadin. Waxaan nahay 10-Milyan haddii ay 100-milyan oo Shiine ah ay nasoo dul-dagaan shan sanana ay dalka joogaan waxay noqonayaan muwaadiniin, dalka waa nalaga qaaday markaas," ayuu yiri xildhibaan Yalaxoow.

Mudane Muuse Suudi ayaa gabagabadii hadalkiisa ku sheegay in haddii la ogolaado in wax laga bedelo khaladaadka ay ka tabanayaan datuurka cusub ay soo dhaweyn doonaan kuwaasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin waxyaabo diinta islaamka ka horimaanaya balse uusan ka sheegin goobta.

Ugu dambeyn, waxaa iyana ka hadlay kulanka looga horjeeday dastuurka ee ka dhacay Muqdisho xubno uu ka mid yahay Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo hoosta ka xariiqay in dastuurkan uu yahay mid ay dalal shisheeye ah wataan lana doonayo in lagu kala googoosto Soomaaliya.

Dhanka kale kulankaani ayaa laga dhadhansan karay is muujin siyaasadeed ay markale doonayaan hogaamiye kooxeedyadi dagaalada Muqdisho kuwaasi oo hami siyaasadeed markale ka qaba iney ka helaan xiliga kala guurka iyo dowlada dhalan doonta.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip