Mutamarkii 4aad ee Caalimiga ahaa ee Ahlusunna waljamaaca oo Shalay lagu soo gebagebeeyey Magaalada Stockholm ee Waddankan Sweden.

0
Friday July 25, 2008 - 20:19:16 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mutamarkii 4aad ee Caalimiga ahaa ee Ahlusunna waljamaaca oo Shalay lagu soo gebagebeeyey Magaalada Stockholm ee Waddankan Sweden.

    Waxaa Shalay oo Isniin aheyd oo ay Taariikhduna ku beegneyd 30/06/2008 lagu soo gunaanuday ama lagu soo gebagebeeyey Tenesta träff ee Magaalada Stockholm ee Waddanka Sweden Mutamarkii 4aad ee Ahlusunna waljamaaca oo socday Intii u dhexeeysay 27-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Shalay oo Isniin aheyd oo ay Taariikhduna ku beegneyd 30/06/2008 lagu soo gunaanuday ama lagu soo gebagebeeyey Tenesta träff ee Magaalada Stockholm ee Waddanka Sweden Mutamarkii 4aad ee Ahlusunna waljamaaca oo socday Intii u dhexeeysay 27-30/06/2008.


Haddaba Mutamarkaas oo Seddex Maalmood oo ka mid ahi La Muxaadareynaayey Sida Jimco,Axad iyo Isniin ayaa Maalintii Sabtiga aheyd Waxey Culimadu Qura'aan saarayeen Dadweynihii ka soo qayb galay ama u soo safrayba Mutamarkaas Kuwoodii Xanuunada ka Cabanayey taasoo Dadweynuhu iyagu Culimada ka codsadeen.

Macallim Maxamed Amiin

Haddaba Mutamarkaas oo si rasmi ah u furmay Jimcihii 27/06/2008 ayaa waxaa si wada jir ah u Xiriirinayey Sheekh Axmed Fanax iyo Sheekh Guriceel Waxaana Aayado Qura'aan ah ku furay Macallim Maxamed Amiin Sh.C/llaahi Cali gureey.

 

Haddaba waxaa isla maalintaas baxay Seddex Muxaadaro iyada oo Muxaadaradii ugu horreysay uu qaatay Dr.

Dr.Shekh Daahir Xaji Xasan

Sh. Daahir Xaaji Xasan oo deggan kana soo baxay Jaamacad ku taal Magaalada Riyad ee wadanka Sucudi carabiya taasoo lagu barto Daraasaadka Islaamka waxeyna Muxaadaradiisu ku

Prof. Sheekh Xersi Aw Maxamed

Prof. sh.Xersi iyo sheekh Fanax

saabsaneyd Xusuusta Geerida sidoo kale waxaa Muxaadarii labaad qaatay Prof.Sh.Xersi Aw Maxamed oo ka yimid Waddanka Australia ahna Bare wax ka dhiga Jaamacad Caalami ah oo lagu barto Daraasaadka Islaamka kuna taal Waddanka Melesia Isagoo ka Muxaadareeyey Taariikhda Islaamka ugu dambeyntiina waxaa Maalintaas Muxaadaradii ugu Dambeysay Qaatay Sheekh Axmed Cali magteyn (Fanax) oo ka yimid waddanka Mareykanka isagoo ka muxaadareeyey Faa'iidooyinka

Sheekh Cali looboge

Maalintii Labaad oo ah Sabti 28/06/2008 sida aan kor idiinkugu sheegnayba wuxuu ahaa Quraan saar.
Maalintii Seddexaad oo ah Axad 29/06/2008 waxaa Baxday laba Muxaadaro oo tii ugu horreysay uu qaatay Sheekh Cali Looboge oo ka yimid Waddanka Ingiriisaka (UK) ayaa ku saabsaneyd Tasawufka waxaana tii

G/sare Sheekh Axmed Mataan

labaad qaatay G/le sare Sheekh Axmed Mataan oo isna ka yimid Waddanka Igiriiska (UK) isagoo ka muxaadareeyey Ka Foojignaanta Fitanta sida hirirka badda ugu soo rogmaday caalamul Islam Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Joogaan.

 

Ugu Dambeyntii Maalintii afaraad ee Mutamarka oo aheyd maalintii shalay aheyd oo Isniin aheyd 30/06/2008 waxaa baxday 4/Muxaadaro oo tii ugu horeysay uu qaatay Sheekh Muuse Xaaji aadan oo ka yimid Waddnka

Sheekh Muuse Xaji adan

Norway ayuu ka Muxaadareeyey Xuquuqda ay isku leeyihiin Labada qof ee is qaba (Xuquuqu Zowjeyn) waxaa

Sheekh Cali Nuur Cilmi iyo Sheekh Fanax

Muxaadardii labaad oo ku saabsaneyd CaqiidadaSaxiixa ah soo jeediyey Sheekh Cali Nuur Cilmi oo isna ka yimid Waddanka Ingiriiska (UK) waxa Muxaadaradii Seddexaad oo ku saabsaneyd Dowrkii Culimada

Soomaaliyeed qaatay Prof.Sh.Xersi Ow Maxamed oo aan Tacriifkiisa kor ku soo sheegay halka Muxaadaradii

Sheekh Maxamed Macallim isxaaq

ugu dambeysay oo lagu soo khatimay uu qaatay Sheekh Maxamed Macallim Isxaaq oo ku nool waddankaan Sweden taasoo ku saabsaneyd Wanaagga oo la is faro iyo Xumaanta oo la iska reebo waxaana ugu

Macallim Siciid iyo sheekh guriceel

dambeyntii halkaas Qasiiddo Nabi ammaan ah ka soo jeediyey Macallimkeena Macallim Siciid oo deggan Magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden halka uu Ducadii khatimka aheyd uu ka duceeyey Sheekh Xasan Maadix o oka yimid Waddanka Finland.

Muxaadaraduna waxa ay ku dhammaatay jawi wanaagsan.

 

wq billaahi towfiiq

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip