Howlgalka lagu soo qabtay sarkaalkani ayaa waxa uu qeyb kayahay
howlgalo xiriir ah oo ay ciidamada dowlada kawadaan gudaha degmada
Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.
Ciidamada ayaa xabsiga utaxaabay kudhawaad shan boqol oo ruux kuwaasi
oo lala xiriirinayo Xarakada Alshabaab iyadoo sidoo kalena lagu wado in
dhawaan maxkamad lasoo taago dadkani sii loo kala saaro .
Inkastoo ciidamada nabadsugida dowlada Soomaaliya ay howlgal dad lagu
qab qabanayo ay kawadaan gudaha degmada Afgooye ayaa hadana waxa jiro
in wili qeybo katirsan deegaano hoostaga degmada ay si toos ah ujoogaan
dagaalyahano taageersan ururka Alshabaab kuwaasi oo jidka ugala wafuuda
dowlada ee ku kala goosheysa wadada udhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye
Hogaamiye Sare oo shabaabki Afgooye oo laqabtay
Ciidamada nabad sugida dowlada Soomalaiya ee kusugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay sarkaal sare oo katirsana maamulka Alshabaab ee gobolkaasi.