War Murtiyeed kasoo baxay Shirka Isimada Beesha Daarood
- Visits: 1102
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Moqdisho 08, July, 2012 …..Waxaa maanta shir balaaran isugu yimid 26 Isim oo kamid ah Isimada beesha Darood, Aqoonyahano iyo wax garad kasoo jeeda beesha Daarood oo ku sugan magaalad Muqdisho si ay uga wada hadlaan arimo muhiim ah oo ku saabsan masiirka beesha iyo dhamaystirka geedi socodka khariirad looga baxayo xiliga KMG ah, Waxaa shirkaan ku casuumay Isimada wakiilka Boqorka Burhaan Boqor Muuse waxana goobtaas ka hadlay isimada kala ah, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor, wakiil Ugaas Maxaamud Ugaas Maxamed, Suldaan Maxamed Axmed Burtinle, iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
Dhamaan Isimada beesha Daarood ayaa ka hadlay in ay lagama maarmaan tahay in la soo celiyo midnimadii Beesha si ay u soo noqoto Dowladnimadii iyo karaamadii umadda Soomaaliyeed, si arinkaas looga mira dhaliyana ay muhiim tahay in la turxaan bixiyo mad-madowga ku dhex jira beesha, waxaa kale oo isimadu soo qaadeen in geedi socodka khariirada looga baxayo KMG ay beeshu diyaar u tahay sidii loo dhamaystiri lahaa iyadoo la raacayo jadwalka loo dajiyey, sidoo kale waxey Isimadu sheegeen beeshu leedahay dhulka ugu balaaran Soomaaliya sidaas daraadeedna ay beeshu soo dhaweynayso maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo iyadoo laga tala galinayo qaba’ilka wax ka daga goboladaas.
Ugu danbaytii shirkaan ayaad ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad dhamaan aaradii looga wada hadlay shirka waxaana laga soo saaray qodobadaan.
1. Waxaa beeshu isku raacaday in la helo dowlad rasmi ah 20 Augst 2012 beeshuna diyaar u tahay in bulsha weynta Soomaaliyeed kala shaqeeyaan sidii loo dhamaystiri lahaa KMG.
2. Waxaa beeshu isku raacday in arimaha Dastuurka wax ka badal kooda iyo ansixintooda loo daayo ergada ansixinta Dastuurka beeshuna soo xusho dad aqoon u leh howsha loo igmaday isla markaana beesha Darood soo gudbiyaan ergadii ansixnta Dastuurka qaybtoodii ay ku lahaayeen 825 xubnood.
3. Waxaa Isimadu si wada jir ah u soo dhaweynayaan maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo waana in laga qayb galiyo maamulka dhamaan qaba’ilka kale oo wax aka dega goboladaas si loo xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
4. Waxey Isimada beesha Daarood baaq wada jir ah u dirayaan maamulka Soomaaliland iney ka baxaaan deeganka ay haystaan madaama ay socdaan shirar looga gol leeyahay midnimda umadda Soomaaliyeed.
5. Waxaa beeshu isku raacday In la sameeyo gudi Isimo ah oo ka kooban 13 xubnood kuwaas oo ka shaqeeya isku xirka iyo dhamaynta khilaafaadka yar yar ee ka dhex jira beesha dhexdeeda.
6. Waxey beesha Daarood go’aan sadeen in shirar looga hadlayo aaya ka talinta beesha lagu qabto mustaqbalka deegaanada beeshu degto
Axmed Farah
dhoodi222@gmail.com
War Murtiyeed kasoo baxay Shirka Isimada Beesha Daarood
Moqdisho 08, July, 2012 …..Waxaa maanta shir balaaran isugu yimid 26 Isim oo kamid ah Isimada beesha Darood, Aqoonyahano iyo wax garad kasoo jeeda beesha Daarood oo ku sugan magaalad Muqdisho si ay uga wada hadlaan arimo muhiim ah oo ku saabs