Shiikh abuu muscab oo ah ninka u qaabilsan xarakada alshabaab dhanka howgalada ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaal qaraar oo shalay ku dhaxmaray iyaga iyo waliba ciidamada dowlada KMG iyo ahlu sunah oo garab milateri ka helaya ciidamada kenya degaanka fax fax dhuun.
Afayeenka al shabaab ayaa waxaa uu sheegtay in ciidamada kenya oo ay dagaalka ku qaadeen fariisin ay ku la haayeen deegaanka faax faax dhunn ay ka dileen in ka badan 60 askari in kalena ay ka dhaawaceen sidoo kalena ay khasaaro gaarsiiyeen kuwa dowlada ee dagalka qaybta ka ahaa.
dhinacooda mar uu ka hadlayay khasaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalka ayuu sheegay abuu muscab in uu jiro khasaaro badan .
Dagaalka waxaa qaaday ciidamadeena waxaan ku qaadnay fariisin Kenya ciidamadeedu ay ku lahaayeen deegaanka faax fax dhuun ee gobolka gado waxaan ka dilnay Kenya wax ka badan 60 askari dhaawac badana wuu jiraa . dhinaceena waxaan naga soo gaaray dagaalka dhimasho 17 askari tobonaan kalena waa ay naga dhaawacmeen dagaalkoo adkaa awgeed”ayuu yiri afayeenka ciidamada al shabaab C/Casiis abuu Muscab ,
Alshabab Oo Qiratay in Qasaaro lagu gaaarsiiyay dagaalki shalay
Shiikh abuu muscab oo ah ninka u qaabilsan xarakada alshabaab dhanka howgalada ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaal qaraar oo shalay ku dhaxmaray iyaga iyo waliba ciidamada dowlada KMG iyo ahlu sunah oo garab milateri ka helaya ciidamada kenya degaanka