Ugaasyada iyo Odoyaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beesha Murusade oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka soo horjeestay xildhibaanada cusub ee barlamaana Somalia oo dhawan la dhaariyay gaar ahaan xildhibaanimada Drs. Maryan Cariif Qaasin oo 12-kii sano ee la soo dhaafay majaraha u heysay kursiga beesha Cabdalle.
Kulankaan oo ahaa mid ay hareeyeen qeylo iyo sawaxan xubnihii ka qeyb galayna ay ku dhawaaqayeen ereyo muujinayey sida looga soo horjeedo Maryan Cariif Qaasin ee ka mid ahaanshaha xubnaha loo dhaariyey in ay Barlamanka ku matalesho beesha Cabdalle sabti oo ka mid ah beelweynta Murusade.
Shirkaan oo ay iskugu yimaadeen waxgaradka aqoonyahanada culumada haweenka iyo dhalinyarada beesha Cabdalle Sabti ayaa waxaa uu ahaa mid looga cabanayey habka ay ugu biirtay xildhibanada cusub oo ay sheegeen gudigii loo xilsaaray iyo ugaaska Beesha Murusade in aysan magaceeda iyagu u gudbin balse ay sheegeen in ay ku gashay hab musuqmaasuq ah ayna u fududeeyeen xubnaha guddiga farsadamada ee ka kooban 27-ka xubnood.
Waxay sheegeen xubnihii ka socday beesha ee ku jirey odayaasha 135 xubnood ka kooban iyo ugaaska beesha Murusade ee ka wada qeybgalay shirka Muqdisho ka socda ee lagu xulayay xildhibanada cusub ee Soomaliya oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in magacii ay gudbiyeen ee ahaa Cabduqaadir Maxamed ayna ka waayeen liiska la dhaariyay kuna arkeen xildhibaan cusub oo aysan iyagu ku gudbin waxa ayna ku eedeeyeen iney falkaas ku kaceen guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada cusub ee Somalia.
Xubnihii kulanka ka qeybgalay ee beesha matalayey ayaa dhamaantood muujiyey in aysan raali ka aheyn xubinimada baarlamanka ee Drs. Maryan Cariif Qaasim waxayna ku dhawaaqayeen in ay ka soo horjeedaan arintaas.
Maryan Cariif Qaasin ayaa xubnihii kulanka ka qeybgalay waxay ku eedeeyeen waxqabad la’aan iyo in ay liiska xildhibanada cusub gashay si musuq maasuq ah.
Gudoomiyaha gudiga dhaqanka ee Beesha Cabdalle Sabdi Cali Shanle oo madash ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan ay maqantahay xubintii beeshu ku laheyd 275 xildhibaan Wuxuuna ku cawday in ay beeshu ku laheyd magic weyn iyo mansab ay dheertahay xubin lama taabtaan ah isagoo hadalkiisa intaa ku daray in xubintii ay beeshu lahayd loo magacaabay Cabdulqaadir Muxumed Maxamed (Caana Boore )oo ay beeshu ku raaceen rag iyo dumar isla markaana Ugaaska beesha ay ku salimeen inuu noqdo xildhibaanka beesha Cabdalle sabti.
Cali shanle ayaa ku eedeeyey guddiga farsamada ee 27-ka xubnood ka kooban in ay dariishada ka soo galiyeen Maryan Cariif Qaasin meesha ka saareen ninkii ay gudbiyeen taasoo uu sheegay ineysan xaq u laheyn, isaga oo carabka ku adkeeyey in aysan arintaas aqbali doonin.
Gudoomiyaha dhaqanka beesha Cabdalle Sabdi ayaa intaa ku daray hadalkiisa in beeshu dooneyso isbedel balse lagu Jowr falay inkasta oo uu sheegay in aysan ka harayn muddo kasta ha ku qaadatee.
“Haddii weligeed qof meel iska joogeyso madaxweynaha, afhayeenka golaha Barlamanka iyo Raiisal wasaaraha ayaan la bedeli laheyn oo xafiisyadooda iska fadhin lahaa“ ayuu intaa ku daray Gudoomiyaha dhaqanka beesha Cabdalle Sabdi.
Isbedelka dhamaan Somalidu raadineyso ayaan raadineynaa xaqeeniine waa maqan yahay ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo Codsi uu u diray madaxda beesha Caalamka iyo gudiyada dabagalka in beesha xaqeeda laga soo dhiciyo gardarada uu ku dhiibey gudiga farsamada ee ka kooban 27da xubnood xubintii ay laheyd beesha Cabdale Sabdi, wuxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in aan laga war nheyn xaqii beesha halka uu ku danbeeyey.
“Geelleyna inaga oo dhiisha u culay ayaa waraabe ku cunay gudiga farsamada halka uu joogo..aad ayaan uga xumahay in ugaaska beeshu magasc uusan ogeyn dariishada laga soo galiyo loona dhaariyo xildhibaan mataleysa beesha Cabdalle Sabdi “ sidaa tiri Cadar Shalaqbeen oo halkaas ka hadashay.
Cadar Shalaqbeen oo iyadu ka mid aheyd 3dii xubnood ee aqoonyahanada ahaa ee beesha uga qeybgalay soo xulista xildhibaanada ayaa sheegtay in beesha dhibaato weyn ay u geysteen gudiga farsamada ee ka kooban 27-ka xubnood iyada oo dhanka kale amaan u jeedisay Ugaaska beesha murusade oo ay sheegtay in si sinaan iyo cadaalad ah ugu qeybiyey xubnihii ay beeshu laheyd “Walaasheen waxaan leenahay 12 sano ayaa xilka soo heysay wax aad noogu qabatayna ma jirto beeshuna waxay ku leedahay waa aragnay waxtarkaaga ee naga leexo ugaaskeenada qofkii loo gudbiyey magaciisa wuxuu ahaa Caanaboore” ayey intaa ku dartay Cadar Shalaqbeen.
Gabagabadii ayey Cadar shalaqbeen ugu baaqday Maryan Cariif in ay sabarto kursigana isaga dagto beeshu magacii ay gudbisayna ay ansixiyaan guddiga farsamadu.
Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo gabagabadii hadal ka jeediyey munaasabadaas ayaa tilmaamay in uusan ogeyn halka ay xubnaha la dhaarinayey ka gashay Drs maryan Cariif balse isagu magacii uu gudbiyey ee ahaa Cabduqaadir Muxumed Maxamuud (Caana boore ), isagoo xusay in la baal maray uuna ka war helay goor dambe in wax la is dabamariyey.
Ugaaska ayaa tibaaxay in ay ka cabanayaan ku xadgudbid uu sameeyey gudiga farsamada ee ka kooban 27-ka xubnood wuxuuna sheegay in ay goobta fadhiyaan xubnihii u gudbiyey magacada xildhibaanka beeshu wadato ee ahaa Cabduqaadir Muxumed Maxamuud (Caana boore ).
Ugaaska ayaa tibaaxay in uu dhacay musuqmaasuq isaga oo eeda dusha ka saaray gudiga farsamada oo uu sheegay in ay eeda leeyihiin, wuxuuna sheegay in ay tahay wax laga xumaado arinta uu guddigu sameeyey oo uu sheegay in aysan aheyn awood ay leeyihiin.
“Arintii dhacday wax shaqo ah kuma laheyn mana ogeyn waa nala dabamarteeyey, anigu ma saxiixin gacanteyduna ma gaarin waxaan ka war helay in ay tahay xubin baarlamanka ka mid ah oo la dhaariyey Maryan Cariif Qaasin, iyada ayaa kaligeed ismaamushay waxaana u fududeeyey gudiga farsamada cid la ogeyd ma jirto mana garan karo awoodaas halka ay ka keeneen” ayuu yiri Ugaaska beesha Murusade oo ay wajigiisa caro ka muuqatay wuxuuna sheegay in ay tahay arin aan la aqbali Karin.
Ugaasku wuxuu fariin u direy beesha Cabdalle sabdi oo uu sheegay in arinta dabagal lagu sameynayo wuxuuna intaa raaciyey in awooda soo doorashada ay leeyihiin madax dhaqameydyada sida ugaasyada. suldaanada iyo Ugaasyada iyo guud ahaan 135ta xubnood ee ku jira gudiga soo xulashada xubnaha golaha Baarlamanka.
“Waxaan leenahay arintaas gudigu dib ha uga laabtaano mana ka yeeleyno warqadaas la gudbiyeyna waxba kama jiraan, Gabadhu Qabiika ayey ka dhalatay balse magaceeda cidina iima soo gudbin cidii qabiiku ii soo gudbiyo ayaa xildhibaan noqoneysa cidii iyadu is dooratana waa ka dabatageynaa” ayuu yiri Ugaska isagoo hadalkiisa sii raciyey in aysan ka hari doonin ayna sharciga la tiigsan doonaan ayna u gudbiyeen dhamaan hey’adaha ku shaqada leh.
Maalin ka hor ayey ahayd markii uu madaxweyne Shariif oo la hadlayay odayaal dhaqmeedka shirka uga socda Muqdisho uu eedeeyn dusha kaga tuuray gudiga farsamada taasoo ku aadaneyd in ay isticmaalayaan awood ka badan tii loo igmaday isagoo balan qaaday in dib u eegis lagu sameyn doono liiska xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.
Ugaska Murusade oo G/farsamada ku edeyey iney bedelen xildhibankii besha C/lle Sabti
Ugaasyada iyo Odoyaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beesha Murusade oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka soo horjeestay xildhibaanada cusub ee barlamaana Somalia oo dhawan la dhaariyay gaar ahaan xildhibaanimada Drs. Maryan Cariif Qaasin oo 12-kii sano e