Axmed Idaajaa wuxuu ka mid yahay shaqaalaha IDAACADDA CODKA AMERIKA wuxuu ka soo dooyaa barnaamij Suugaaneed, oo looga hadlo Dhaqanka iyo Hidde Soomaaliyeed, balse, ayaan darro waa tii la yiri: “Waxaad barato waa baaskaa e” Idaajaa wali isma badalin, oo wuxuu hayaa wali wadadii uu ku lumay.
Idaajaa, magacan waxaa loogu baxshay dadku badidooda ma yaqaannaan, Idaajaa ayuunbay maqlaane. Axmed markuu yaraa isagoo dhigta Dugsiga Quraanka kana dhigta magaalada Gaalkacayo ayaa wuxuu noqday ninka ugu faham liita ardadii Dugiga “DAMIINNIMO” awgeed, Macallinkii markuu Suuradda ugu fudud ee Quraanka xifdi siin kari waayey ee dhawr jeer lagu duubay awgeed, oo QURAANKA dhaafi waayey Suuradda IDAAJAA, ayay Ardadii u bixisay IDAAJAA,taa marka laga soo tago wuxuu xoogaa ka bowsadaw Suugaanta iyo afsoomaliga, ka dibna wuxuu shaqo ka helay Akeedeemiyaddii Dhaqanka oo uu ku tagay garabeeshin iyo qabyaalad.
Markii xilkaa loo dhiibay wuxuu garab fiican ka helay Aw Jaamac Cumar Ciise, kaa soo la talantaalliyey aragtidii gurracneed ee Idaajaa doonayey, oo ku salaysneed qabyaaladda iyo beelaysiga, waxaa umadda lagu cabay sheekooyin been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn, oo looga dhigay taariikh iyo sooyaal.
Idaajaa oo muddo 40 sano ku siman ayuu hoggaanka u hayey sheeko baralleey aan jirin, oo Soomaali lagu marin habaabshay beelo badanna meel looga dhacay, jufo qurana laga dhigay inay Soomaali yihiin, inta kalana aan waxba laga soo qaadin.
Sida oo ay tahay, IDAACADDA CODKA AMERIKA waxaan dhihi lahaa haddaad Hidde iyo Dhaqan doon tihiin waxaa jira Qorayaal Soomaaliyeed Profyo ka qalin jebiyey taariikhda iyo Hiddaha Umaddan leedahay Suugaanteeda, oo gaadhay heer lagu majeerto waxna ka qoray Shanta Soomaaliyeed ee ha noqonina, Ninkii indhaha la’aa ee arkay Bakaylaha oo Idaacadda Muqdishaa ninkani joogay jiray iyo hebelbaa la dhihi jiray yaan lagu sirmin.
Maamulka Idaacadana waxaan dhihi lahaa ha noqonina Dad beera colaad, oo dhallaanka Soomaaliyeed aysan u soo jeegin, oo Idaajaa billaabay 1969 ilaa hadda ayaa taariikh beeneed lagu wadaye kuwa marin habaabiya jiritaanka ummadeed iyo sooyaalka ay bulshada Soomaaliyeed leedahay ee soo jireenka ahaa, umadda Soomaaliyeed taariikhdeedu way ka weyn tahay qarni iyo laba waxay soo jirtay 4 qarni Dhalashii ciise ka hor, waxayna leedahay taariikh mugweyn,
ee hana noqonina cidla aan la mudan, caawana aan laga lug bixin, jid iyo ceel toona garan codka Ameerikaay!
Waxaan aad iyo aad ula yaabay noqotayna arrin ii cuntami weyday shaqsi leh waxaan leeyahay aqoon Suugaaneed durugsan muddo 4 sano ah dhex dabaalanayey gabayo a tiriyeen afar Abwaan oo beeshiisa ah, Dhaqanka Soomaaliyeed waa isku mid, gobol aan gabay laga tirina ma jirin shanta Soomaaliyeed, haddii gabaygii Idaajaa oo dhan Doollo Ciid iyo Nugaal uu fadhiistay, carradii Soomaaliyeedna ay noqotay inta beeshiisu degto Suugaantiina sidoo kale, saw wax la yaab leh ma aha, muddo sii horreysay ayaan wax ka weydiiyey Abwaanno Soomaaliyeed iyo khubaro afka iyo hiddaha aqoon durugsan u leh arrimo ku saabsan, sheeka caruureedka la qoray xilligii Manhajkii Waxbarashada lagu guda jiray, Suugaanta iyo sheekooyin taariikheedka ee Soomaalida, maxaa ka dhigay hal Jufo oo Soomaaliyeed iyo in yaroo lagu badhaxtiray? Waxay iigu Jawaabeen nimankii qalabka Madbacadda Qaranka Masuulka looga dhigay iyo Wasaaradda Fanka Hiddaha iyo Dhaqankaa sidaa gartay oo qabyaaladeeyey, waxaan is lahaa waa niman weli
mucaaradsan Rajiimkii hore iyo dhaqamadiisii, balse, waxaan isku taxallujiyey inaan wax ka ogaado barnaamijka Dhaqanka ee uu daadihiyo Axmed Faarax Idaajaa, ka dib ayaan tixraac badan aan ku sameeyey waxaan helay inuu dhinac ka raran yahay oo Lillaahi ahayn waa halkuu kala lahaa Abwaan Salaan carrabeey.
Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane
Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
Mar hadduu Lillaahida ka baxo waa lisaan jabane
Axmed Faarax Idaajaa waxaan odhan karnaa, waa laba mid in itaalkiisa aqooneed ee faneed uusan dhaafsiisnayn inta reerkoodu tiriyey, taasna lama odhan karo waa xeeldheere dhaqan, balse, waa nin xafiday gabayadii beeshooda iyo kuwii loo tiriyey oo uu qaarkood jeclayn inuu ka hadlo, Axmed wuxuu hore u abqaalay sheekooyin hana qaaday oo qaarkood Carab laga soo min guuriyey looguna suntay niman aan la aqoon oo magacyo loo bixiyey oo la yidhi sidan bay ahaayeen, bulshada Soomaaliyeed waa bulsho xadaaraddeeda iyo dhaqankeedu ku dhisnaa inay dhinac walba Saamayn ku lahayd taariikhdooda iyo sooyaalkooda nololeed Suugaantu, balse, waxaa jid gooyo iyo jaan gowracba ku sameeyey muddada 40ka sano ah Axmed idaajaa iyo adeerkiis Aw Jaamac Cumar Ciis, waxaynta taariikh maldahan iyo turjum beelaysan ka bixiyeen taariikh ay ugu magac dareen Soomaali, balse, ciwaankeedu yahay beel iyo qoys Soomaaliyeed oo ay huwiyeen culays uusan qaadi Karin, wuxuu yidhi Abwaan Salaan Carrabeey isagoo ka hadlayaa Afku xooglaha oo iminkana aynu u naqaano Afmiinshaar nin waxaan jirin sheeko ku suurageliya.
Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
Xubin rag isku waajahay hadday xayga ka cadaato
Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jara'e
Waxaan taas ula jeedaa maaha karti iyo aqoon uu dheeryahay Axmed Idaajaa Suugaanleeyda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed, ee waxuu 40ka sano helay inuu dhex fadhiyo Idaacadaha iyo Warbaahinta Af Soomaaliga ku hadasha, marka sheekeediisii aya noqotay ku celceli beenta run bay noqonaysaase, taas ayaan ugu magaacaabay Afku xoogle meel marinaya taariikh aan jirin, oo aysan bulshada Soomaaliyeed isku raacsanayn.
wuxuu yidhi Abwaan Salaan Carabeey isagoo ninka waxaanu ahayn iska dhigaya caqiibo xumadiisa ka hadlya:
In kastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo
Gurdan baqal fardaha gaadhi waa lugana kaa geeye
Idaajaa waxaad mooddaa inuusan san xog ogaal u ahayn ama Sabool ka yahay taariikhda umadda Soomaaliyeed, Sababtoo ah Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Nin Ani yidhi dad iska reeb” waxaa kale oo Maahmaah Soomaaliyeed tidhaahdaa: “Bartii yaqaan Bari uma korodho” Isagoo ka hadlaya is bidka iyo qofku inuusan ahayn sida uu isu maleeyo amaisu yaqaan ayuu yidhi
Abwaan Faarax Shuuriye:
Aasaaska nimankii lahaa, ururka Soomaali
Iyo aadanii ka aqbalee, amarka nooleeyey
Ee Uniyo oogada Cadmeed, olol sidii kaahshey
Iyo Ferenji oorada ku taal kala ilwaad roone!
Abwaankii fagaaraha hadlee, eray gobaadeed leh
Ee lagu aflaxay xaajaduu, idhamaduu joojey
Iyo doqonta oofaha la gubay kala ilwaad roone!
Asli midabkileey, ooridii, qurux u aabaysan
Ee oogga Waaberi sidii, olol u kaahaysa
Ee reerka loo aamminee, amarka loo dhiibey
Iyo eraya-aafiisle wada kala ilwaad roone!
Abeer geela, Ayrada dhashiyo, ololka reemaysa
Ee laba ku aaddiyo ilmaha, ubadka loo reebay
Iyoo Jaafa laga oomman yahay kala ilwaad roone!
Meeshii la wada aadayiyo, aqalka hooseeya
Iilkii nin tegayoo Jannada, udugta loo geeyey
Iyo Ololka Naareed nin galaya kala ilwaad roone!
Suugaanta Soomaaliyeed waxaan leeyahay Axmed Idaajaa ma laha reer afarta Abwaan ee aad ku celceliso ee aad isku jufada tihiina ma laha keligood suugaan yahannada Soomaaliyeed ma eedayo Idaajaa taas waxaad ku ogaan karaysaa Qiimaynta ay sameeyeen Bahda Mareegta Hoyga Suugaanta oo si qoto dheer ugu dhaba galay fal hawleedka iyo hannaan tallaabeedka Idaajaa iyo Idaacada Amerika uu ka wado horena uga waday Radio Muqdisho, bal eeg shaxda Axmed Idaajaa oo ku kooban dhaqankii umadda Soomaaliyeed hal jufo 79 barnaamij ayuu sii daayey 17 barnaamij maahine 62 ka mida wuxuu ku soo qaatay beeshiisa taariikh iyo gabay run iyo been. Nigaxan eeg:
http://www.hoygasuugaanta.com/VoaSomali.html
Waxaa is weydiin leh, haddii maanta nin qoraa ahi raadinayo ama tixraac ku samayno qaybo ka mida maaddooyinka nolosha ma gobolkiisa iyo tuuladii awoowgii ka dhashay ayuu ku salaynayaa mise hadba deegaankaa uu ku noolyahay qaybihiisa dhuleed iyo dadeed ee kala duwan ayuu ka doonayaa?
Axmed Idaajaa wuxuu kala mid yahay aqoontiisa suugaaneed, Umaddeena Soomaaliyeed Gobol walba haddii aad tagto waxaad ku arkaysaa nin gabay xejis, ama gabay dhaadhi ah oo haya tiraba intii beeshiisu tirisay iyo intii loo tiriyey wixii deegaankaa hees ciyaareed, kaftan iyo xifaaltan suugaaneed ka dhacay, ninkaas marka waxaa keliya oo laga kaashan karaa haddii loo baahdo deegaankiisa in laga helo kayd suugaaneed ku kooban deegaankiisa, balse, lama dhihi karo waa nin meteli kara ama ka hadli kara suugaan Soomaaliyeed, maadaama uusan aqoon u wada lahayn, ama oggolaynba cid aan aan ahayn jufadiisa, Qoraa qabiil ma la dhihi karaa waa Qoraa qaran?
Aqriste adigaa codka leh Idaajaa markaad tixraacdo waxaad ogaanaysaa shaqsiyaddiisa iyo hannaankiisa nololeed iyo heer kulkiisa qabyaaladeed, markaa xukunkiisa iyo xeerintiisa adigaan kuu daayey waxaan kaga baxayaa Idaacadda Amerikaay ha noqon Buul Idaajaa leeyahay ee noqo Idaajad umaddeed, Idaajaayoow aqoon Suugaaneed iyo dhaqan ma lihid aqoon tuuleed baad leedehee umadda luggooyada ka daa “Bidoow anigu ku sheegi maayee yaan camalkaa ku sheegin!” “Allahayoow door is mood la diido aan nalaga dhgin”
ayay soomaalidu ku ducaysataa
By Xasan Maxmed (jarmal) Jarmal67@gmail.com
Axmed Idaajaa iyo Idaacadda Amerika
Haddii Rajiimkii Siyaad Barre la diray, ragbaa wali u loogan been sheeggii ay barteen, Qabyaaladdii ridday xukunkii Rajiimka ka sokow, maamul ahaan maanta ma jiro, magac hore iyo muuqaal xasuuse mooyee, waxaa war ka taagan yahay ninkii u bartay dacaa