Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe Oo Kulan Xasaasi Wada Qaatay + Sawirro

0
Tuesday February 21, 2017 - 13:15:56 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe Oo Kulan Xasaasi Wada Qaatay + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa xalay waxa ay kulan ku qaateen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa xalay waxa ay kulan ku qaateen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay wada qaateen labada Madaxweyne ayaa ahaa mid Xasaasi ah waxaana kulanka looga hadlay arimo kala duwan ay kamid tahay guusha uu Farmaajo ka gaaray Doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Axmed Mdaoobe ayaa taageero balaaran u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxa uuna u balan qaaday sida aan wararka ku heleyno in wada shaqeyn dhaw la yeelan doono Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumada uu soo dhisi doono.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana uu u yimid ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu wado in maalinta berito ah lagu qabto Magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galaan madax kala duwan.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay ka wada hadleen Doorashadii ka dhacday Muqdisho iyo Xaalada guud ee Siyaasada Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip