Hadii uu Walcott uu iska diido heshiiska cusub, Arsenal waxa ay geli doontaa xaalad ay si fiican u taqaano oo ah inay haatan iska iibiyaan ama hadii kale inay riski geliyaan inuu si bilaash ah kaga tago kooxda xagaaga soo socda.
Si kastaba Walcott, oo qandaraaskiisa uu uga harsan yahay 12 bilood ayaan weli saxiixin heshiiska cusub, iyadoo wadahalada ay socdaan, waxaana ay u badan tahay inuusan saxiixi doonin heshiiska cusub. Isagoo qarka u saaran inuu iska diido heshiis uu wadar ahaan ku qaadanayo 20 milyan ginni.
Liverpool iyo City oo ay ku adkaatay saxiixa Scott Sinclair ayaana doonaya inay la wareegaan daqiiqada ugu danbeysa.
Liverpool Iyo Man City Oo Isha Ku Haya Theo Walcott
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa u qabtay Theo Walcott 48 saacadood inuu ku go’aansado inuu sii joogayo kooxda oo uu saxiixayo heshiis cusub oo shan sanno ah oo uu isbuucii qaadanayo 75 kun ginni ama in la iibiyo.