Qabiir Isboorti oo Mesi iyo Ronaldo sheegay in wili gaarin Pele
(Laacib.net) Halyeeyga Real Madrid Alfredo Di Stefano ayaa dareensan in Pele uu ahaa ciyaaryahan ka fiican sida ay haatan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
(Laacib.net) Halyeeyga Real Madrid Alfredo Di Stefano ayaa dareensan in Pele uu ahaa ciyaaryahan ka fiican sida ay haatan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi. Ninka reer Argentina ayaa hadalo badan oo amaan ah dul dhigay xiddigaha
Madrid iyo Barcelona, lakiin waxa uu weli dareensan yahay in
ciyaaryahankii hore ee reer Brazil inuu ka fog yahay.
“Ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid waa Pele. Messi iyo Cristiano Ronaldo
labadooda waa ciyaaryahano waa weyn oo tayo gaar ah leh, lakiin Pele
ayaa ka fiicnaa” ayuu Di Stefano yiri sida laga soo xigtay El
Colombiano.
“Messi ayaa farsamo ahaan ka fiican labada kale. Waxa uu uga fiican
yahay diilinta ganaaxa dhexdiisa iyo qaabka uu kubada u qabeeyo una
dhaqaajiyo. Waad arki kartaa sida uu ugu riyaaqayo ciyaarista kubada.
“Cristiano ayaa jir ahaan ka xoog badan. Waa uu ka orod badan yahay,
waana ciyaaryahan xamaasad leh. Waxaa intaas sii dheer labada lug ayuu
wax ku dhalin karaa.”
86 jirkaan ayaa in ka badan 300 kulan u saftay intii u dhaxeysay 1953dii ilaa 1964kii, isagoo ku guuleystay shan koob oo Europe.
Qabiir Isboorti oo Mesi iyo Ronaldo sheegay in wili gaarin Pele
(Laacib.net) Halyeeyga Real Madrid Alfredo Di Stefano ayaa dareensan in Pele uu ahaa ciyaaryahan ka fiican sida ay haatan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.