Alshabaab oo digniin culus dul dhigay saaxibada kusiyaasada ahaa

0
Wednesday September 26, 2012 - 10:25:06 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo digniin culus dul dhigay saaxibada kusiyaasada ahaa

    Afayeenka Ururka Al-Shabaab ee dhinaca howl galada Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay war Maalin ka hor ka soo baxay ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray dhankooda kaas oo ahaa in ay ka goosteen Al-Shabaab .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afayeenka Ururka Al-Shabaab ee dhinaca howl galada Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay war Maalin ka hor ka soo baxay ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray dhankooda kaas oo ahaa in ay ka goosteen Al-Shabaab .
Abuu Muscab ayaa waxaa uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay Cidii Tilaabadaas qaadana ay ku Jihaadi doonaan oo aysan u dul qaadan doonin in la kala qaybiyo .

Waxaana uu intaasi ku daray in uu jiray bayaan uu soo saaray Hugaamiyaha Guud ee Al-Shabaab 26 03 12 kaas oo uu sheegay in uu amrayay Ciidamada Al-Shabaab in Qof walba oo ka soo horjeestay Al-Shabaab ay la dagaalamaan oo ay Gacan Bir ah ku qabtaan ayna Ciidamadu amran yihiin in ay amarka Hugaamiyaha Fuliyaaan.

Abuu Muscab ayaa waxaa uu sheegay in Xisbul Islaam hadalka ka soo baxay uu labo arimood ku yimid waa mida koobaade in uu ururku uu doonayo in uu Gor gortan Siyaasadeed uu la galo Dowladda maadaama lagu guda jiro Xili kala guur ah iyo Mida labaad oo ah in Xisbigu uu iska dhaadhiciyay in awoodii Al-Shabaab ay Wiiqan tay.

“waxaan idiin sheegayaa in ay naga go.antahay in aan tilaaabo adag ka qaadno dadka ku kacaya Arimahaaan Ma dhici doonto in aan ka yeelno Dadka doonaya in ay ka dhan taalaan Midnimada Al-Shabaab waxaan idiin sheegayaa in aan Shan farood iyo calaa cal ku qaban doono Cidii isku howsha Arinkaan.

Hadalka Afhayeenka ayaa waxa uu kusoo aadaya xili warbaahinta laga maqlay mas’uul sheegtay inuu katirsanaa ururka Alshabaab hasa yeeshe isaga iyo koox kufikir ah ay usoo jan jeersadeen dhanka dowlada isla markaana kasoo go’ayaan ururka Alshabaab.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip