Maxaa sababay bur burka Shabaabka Kismaayo ?

0
Saturday September 29, 2012 - 10:24:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababay bur burka Shabaabka Kismaayo ?

    Kasukow cududa militari ee la rumeesan yahay Shabaabka Kismaayo in si nabad ah ay ufaarujiyaan gudaha magaalada Kismaayo oo ah xarunti ugu weyneed uguna dambeesay ee Alshabaab ka howlgalaan ayaa waxa kasoo baxaya warar is qilaafsan sababihi soo dadaj

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kasukow cududa militari ee la rumeesan yahay Shabaabka Kismaayo in si nabad ah ay ufaarujiyaan gudaha magaalada Kismaayo oo ah xarunti ugu weyneed uguna dambeesay ee Alshabaab ka howlgalaan ayaa waxa kasoo baxaya warar is qilaafsan sababihi soo dadajiyay bur burkaasi.
Dadka darsa siyaasada ururka Alshabaab ayaa rumeesan in xarakada ay dhibaato dhaqaale iyo mid moraal ay soo wajahaday kadib marki dagaalo sanado socday ay la hortaagnaayeen ciidamo ay udhameestiran yihiin agab militari kuwaasi oo ku qasbay Shabaabka iney soo dadajiyaan kala shaki iyo niyad jab dhaxdooda.

Maamulka Alshabaab ee magaalada Kismaayo ayaa lagu tirinayay kuwa ugu adkaa dhamaan muulada gobolada ayaa waxa mar qura qilaaf xoogan kadhax qarxay maamulkaas iyagoo ukala qeybsamay beelo beelo iyo jufooyinka.

Warar hoose oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sidoo kale xaqiijinaya in qilaafka Shabaabka Kismaayo oo circa isku shareeray kadib marki rag katirsan Alshabaab loo ogolaaday in si nabad ah unoolaan doonaan kadib kabixidooda magaalada Kismaayo taasi oo keentay in horjoogayaasha qaar isu arkaan kuwa aan si nabad ah kunoolaan doonin iney dagaalamaan mooye.

Intaa kadib ayaa waxa kala qeybsamay maamulki Shabaabka Kismaayo iyagoo ukala jabay laba garab oo xoogan iyo garab sadexaad oo noqday kuwa aruuris ah oo ay kujiraan ajaanibti kabar bar dagaalameesay Alshabaab.

Labada garab ee ugu xoogan Shabaabka Kismaayo ayaa la rumeesan yahay iney ka koobnaayeen labada bee lee Absame oo Mariixaan ah iyo Ogaadeen iyadoo garabka sadexaadna ay noqdaan isku darka beelaha kale iyo waliba dagaalyahanadi Alshabaab.

Dagaalyahanada kasoo jeeda Beesha Mareexaa ayaa sitoos ah dagaalka uga baxay kal hore marki lashaacin jiray in shabaabka kabaxeen magaalada Kismaayo hasa yeeshe waxa magaalada markale dib uga abaabulay dagaalo garabki ay hogaaminayeen dagalayahanada kasoo jeeda Beesha Ogaadeen kuwaasi oo madax wareer ka qaba in magaalada qabsadaan ciidamada dowlada Soomaaliy iyo kuwa Kenya oo ay bar bar socdaan dagaalyahanada ururka Raaskambooni oo qudhooda ah dagaalyahano ku abtirsada beesha Ogaadeen.

Si kastaba waxa iminka muuqata in qilaafki Shabaabka Kismaayo uu suura galiyay in si nabad ah gudaha magaalada ay ubaneeyaan labadi garab ee Shabaabka Kismaayo ka haray hasa yeeshe waxa su’aali ka taagan tahay halkii qarin karto dagaalyahanada shababaka kabar bar dagaalamayay ee ajnabiga ahaa?.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip