Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saakay ku wajahan M/Kismaayo

0
Monday November 19, 2018 - 09:21:25 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saakay ku wajahan M/Kismaayo

    Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu gaaro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi ballaaran uu hogaaminayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu gaaro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi ballaaran uu hogaaminayo.

Safarka Xasan Sheekh uu ku tagaayo Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safaro kale uu ku tegi doono dhammaan xarumaha maamul Goboleedyada dalka ka jira,waxaana ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo saaxiibo dhow la’ah isaga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta waxa uu safarkiisa ugu horreyay ku tegi doonaa Magaalada Ksimaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland,kadib markii looga adkaaday doorashadii 8 Bishii Febaraayo Sanadkii tegay ee 2018.

Wafdi horudha u ah Safarka Xasan Sheekh ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay gaareen Magaalada Kismaayo,waxaana ay isugu jiraa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana ka tirsan Xisbiga uu isaga hogaamiyo ee UPD.

Ammanka Magaalada Kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka waa weyn ee Magaalada la dhigay Ciidamo farabadan,kuwaasi oo isugu jira Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip