Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho uu maalmihii u dambeeyay soo hagaagayay, isla markaana ay iska kaashadeen Ciidamada iyo shacabka.
"Magaalada Muqdisho beryihii u dambeeyay nabadgalyadeeda aad ayay u
wanaagsaneyd, waxaa iska kaashaday ciidamada amniga iyo shacbka, waxaan
ka hortagnay isku dayo badan, goobaha wax ku qarxin jireen"ayuu yiri
Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.
Mar uu ka hadlay howl galadii ugu dambeeyay waxyaabaha ugu suura galay
ayuu sheegay inay soo qabteen hub iyo waxyaabo qarxa oo guryo badan ay
galeen ka soo heleen.
"Howl galadii dhowaan Muqdisho ka dhacay waxay inoo suura geliyeen meelo
badan inaan galno, inaan guryo dhexdiisa godod dhedooda bambooyin iyo
qoryo ka soo saarno, macluumaadkaas xogo badan aan raadinay iyo bulshada
Muqdisho ee nabada jecel inay nagu saaciday"ayuu yiri Khaliif Ereg.
Khaliif Ereg ayaa sheegay inay la shireen maamulada degmooyinka 16-ka
degmo, isagoo xusay in ilaa shan degmo ay ku socoto deriseyn, si
ammaanka loo sugo, isla markaana lagu ogaado qofka degmada ku soo
kordhay, lana ogaado halka uu ka yimid, taasoo uu tilmaamay in arrintaas
ammaanka lagu sugayo.
Taliyuhu ayaa sidoo kale sheegay inay ku guuleysteen in la ogaado dadka
guryaha ku kireysan jiray si hoose, isla markaana haatan la bilaabay in
guryaha si sharci ah lagu kireeyo, qof laga kireynayo la geeyo Saldhiga
booliska ama xarunta degmada si loo ogaado.
"Waxaa ku guuleysanay inaan helno guryihii sida sharci darada loo
kireysan jiray, in si sharci loo kireysto, oo ay dadkii bulshada qof
kasta wax kireysanaya sharciga soo waafajiyaan qofkaas saldhiga booliska
la keeno, maamulka degmada la keeno, meesha uu ka soo guuray la ogaado,
taasna ay sahashay in aan cidna cid kale ku qaldamin, qof kasta oo
nadiif ah guriga soo dego"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Howl galo habeen iyo maalin ah ayaa Ciidamada nabadsugida iyo kuwa
booliska ka wadaan magaalada Muqdisho, iyadoo xilliyad habeenkii la arko
Ciidamo wadooyinka ku baaraya gaadiidka, isla markaana weydinaya
aqoonsi.
Hey'adda Nabadsugida Oo sheegtay inay la shireen maamulada 16-ka degmo
Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho uu maalmihii u dambeeyay soo hagaagayay, isla markaana ay iska kaashadeen Ciidamada iyo shacabka.