Gunners ayaan weli looga badinin Group B ka mid markii ay guulo ka gaareen Montpellier iyo Olympiakos labadii kulan ee ugu horeysay group-ka, laakiin waxa ay tijaabo adag kala kulmi doonaan Schalke oo iyagaba aan laga badinin tartankaan.
Kooxda Bundesliga ayaa ku bilaabatay si qatar ah waxa ay 2-1 kaga badiyeen Olympiakos ka hor inta aysan 2-2 la galin kooxda Montpellier.
Arsenal ayaan laga badinin 16kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen garoonkooda kulamada Champions League, laakiin waxaa murugo ku reebtay dhawaan kooxda Norwich oo kaga badisay 1-0 horyaalka Premier League kulan ka dhacay Carrow Road.
Halka Schalke ay kulankooda ugu danbeeyay ee Bundesliga ay 2-1 kaga badiyeen kooxda difaacaneysa horyaalka ee Borussia Dortmund.
MAXAA KA CUSUB?
Liiska ciyaaryahanada ka dhaawacan Arsene Wenger ayaa weli sii kordhaya, iyadoo dhaawac yar uu soo gaaray sabtidii Alex Oxlade-Chamberlain, waxaana uu liiska dhaawacyada kula biirayaa Theo Walcott, Laurent Koscielny iyo Abou Diaby oo iyagana dhaawac ah.
Kieran Gibbs ayaa isna ku baasay taam ahaanshihiisa ka dib markii dhaawac uu ka qabay bowdada, laakiin uma badna in halis la gelin doono oo booska ka geli doono Andre Santos.
Warka wanaagsan ee Arsenal ayaa ah in Jack Wilshere uu ku soo laabtay taam ahaanshihiisa, inkastoo uu ciyaaray kulankii juunyeerka Arsenal ee habeenkii isniinta uma badna inuu kulankaan safan doono.
Schalke ayay u badan tahay inuu ka maqnaan doono 19 jirka reer Jarmal Julian Draxler, kaasoo gacanta ay ka jabtay kulankii Montpellier ee Champions League, inkastoo tababarihiisa uu sheegay ka hor kulankii Borussia Dortmund in laga yaabo inuu ciyaaro isagoo gacanta ay ka duuban tahay.
Kyriakos Papadopulous ayaa isna waxa uu la ildaran yahay busbus mana ciyaari doono kulankaan, halka Christoph Metzelder uu shaki ku jiro madaama dhaawac jilibka uu qabo.
LINE-UPKA MACQUULKA AH: |
ARSENAL ![]() Mannone Jenkinson, Mertesacker, Vermaelen, Santos Arteta, Ramsey, Gervinho, Cazorla, Podolski Giroud |
SCHALKE
![]() Unnerstall Uchida, Howedes, Matip, Fuchs Neustadter, Hoger, Farfan, Holtby, Afellay Huntelaar |
Kulanka kale ee Group-kaan Montpellier ayaa rajeyneysa inay sii murjiso xaalada Olympiakos, marka ay garoonka Stade de la Mosson ku wajahaan kooxda Gariiga.
Kooxda Faransiiska ayaa hal dhibic ay u dagaalantay ka heshay kulankii ay barbaro 2-2 ah la galeen Schalke, waxaana ay rajeynayaa inay kooxda dhibic la’aanta ah ay ku sii haayaan halka ugu hooseysa horyaalka.
GROUP B:
09:45 | Arsenal | ? — ? | Schalke |
09:45 | Montpellier | ? — ? | Olympiakos Piraeus |
Falanqeynta Group B UCL: Gunners Oo Tijaabo Adag Kala Kulmi Doonta Caawa Kooxda Schalke.
(Laacib.net)Arsenal ayaa isha ku heysa inay sii wado sida wacan ee ay ku bilaabatay Champions League xilli ciyaareedkan, marka ay caawa Emirates ku martigelinayaan kooxda Schalke.