Champions League Group E: Chelsea Oo Guuldarro Ay Ka soo Gaartay Skhakhtar Iyo Juventus Oo Lagu Dhegay.

0
Wednesday October 24, 2012 - 11:03:37 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Champions League Group E: Chelsea Oo Guuldarro Ay Ka soo Gaartay Skhakhtar Iyo Juventus Oo Lagu Dhegay.

    (Lacib.net)Kooxda Shakhtar Donestk oo aan laga badinin kulankaan ka hor 33 kulan oo isku xigta ayaa guul kale oo weyn ka gaartay kooxda Chelsea ka dib markii ay garaaceen labo gool iyo gool, kulan marti loo ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Lacib.net)Kooxda Shakhtar Donestk oo aan laga badinin kulankaan ka hor 33 kulan oo isku xigta ayaa guul kale oo weyn ka gaartay kooxda Chelsea ka dib markii ay garaaceen labo gool iyo gool, kulan marti loo ahaa.


Kooxda difaacaneysa Champions League ayaa iyadana gool looga hormaray bilowgii ciyaarta daqiiqadii 3aad, ka dib markii David Luiz uu ku guuldareystay inuu kubad bixiyo ka dibna kubada ay gacanta kaga dhacday John Terry, laakiin Shakhtar ayaa faa’ido ciyaarta oo waxaa kubada helay Alex Teixeira kaasoo kubad taraarax ah ka dhaliyay goolhaye Cech.

17 daqiiqo ciyaarta markii ay socotayna Chelsea waxaa dhaawac uu ka soo gaaray halyeeygooda khadka dhexe Frank Lampard, iyadoo uu bedelay Eden Hazard.

Shakhtar ayaa ku dhawaatay inay dhaliyaan goolkoodii labaad ka dib markii Mkhitaryan uu kubad awood leh ku tuuray goolka, islamarkaana Cech uu faraha cididooda ku bixiyay, waxaana ay aheyd daafac xumo ay soo bandhigeen kooxda martida ah.

Qeybtii hore ayaana ku soo ildaatay goolkaas ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Shakhtar Donestk.

Kooxda reer Ukraine ayaana hogaanka ciyaarta sii dheereysatay qeybtii labaad markii Fernandinho uu shabaqa ku hubsaday goolkii labaad ee Shakhtar Donestk taasoo sii niyad jabisay koxda martida aheyd ee Chelsea.

Laakiin Chelsea ayaa waxaa gool u soo celiyay dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 88aad xiddiga da’da yar ee reer Brazil Oscar, iyadoo goolashii ciyaartan la dhaliyay ay wada dhaliyeen xiddigo Brazil ah.

Waxaana Chelsea looga badiyay aakhirkii 2-1, iyadoo ay tahay guuldaradii ugu horeysay ee soo gaarta tababare Roberto Di Matteo koobka Champions League tan iyo intii uu macalin u noqday kooxda Blues.

Shakhtar Donestk ayaa iyadans ii dheereysatay kulamada aan dhinaceeda dhulka dhigin, iyadoo kulankaan uu u yahay kulankoodii 34aad ee aan laga badinin.

Shakhtar Donestk ayaa haatan hogaanka ku heysa Group E 7 dhibcood seddex kulan oo ay ciyaareen, waxaana ku soo xigta Chelsea oo leh 4 dhibcood.

Dhanka kale Juventus oo qeybtii hore ciyaar aan indho qabad laheyd soo badhigtay islamarkaana barbaro ay ku kala nasteen kooxda reer Denmark ee Nordsjaelland, ayaa waxaa qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 51aad gool shabaqa ka suray Beckmann oo laad xor ah oo toos ah dabamariyay Buffon.

Kooxda Nordsjaelland oo ay u tahay markii ugu horeysay ee ay ka qeyb qaataan Champions League, ayaa goolkaas waxa uu u yahay goolkii ugu horeeyay ee ay abid ka dhaliyaan tartankan Champions League.

Juventus oo uu xaalka ku xun yahay ayaa waxaa ka fujiyay daqiiqadii 81aad ee ciyaarta weeraryahankooda Mirko Vucinic oo dhaliyay goolkii barbaraha, isagoo ka faa’ideystay karoos uu soo dhigay Isla.

Juve ayaa barbarihii seddexaad gashay seddex kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan Champions League, waana barbarahoodii 8aad ee isku xiga ee tartanka yurub, taasoo ah rikoor cusub.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip