Tobanka xubnood ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax
Shir-doon (Saacid oo badankood ah kuwo cusub ayaa waxaa haween ka ah 2
ruux. Xubnaha la magacaabay oo 9 ka mid ah ay joogeen goobta lagu
magacaabay ayaa waxaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si loo
ansixiyo.
Xubnahan Wasiirrada ah ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa
waxay aad uga yar yihiin xubnaha golihii wasiirrada ee loo soo
magacaabi jiray xukuumadihii horay u soo maray Soomaaliya, inkastoo
kuwaasi ay ahaayeen kuwo kumeel gaar ah.
Madashii lagu magacaabay Wasiirradan waxaa ka hadlay Madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay in wasiirradan aan tirada
badneyn aysan ahayn kuwo ay rabitaabkooda ku soo xuleen balse ay u
arkeen kuwo xilka loo magacaabay gudan kara, ”Waxaan leenahay wasiirkii
xilka loo magacaabay guta, waa mahadsan tahay dadkaaga iyo dalkaaga
ayaana wax u qabatay, midkii aanan waxba qabanna waxaan leenahay naga
raali ahaw".
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa 7-dii bishii hore ee
Oktoobar Ra’iisal Wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid,
kaasi oo 17-kii isla bishaas ka helay Baarlamaanka Soomaaliya kalsooni
buuxda oo ra'iisal wasaaarenimadiisa lagu ansixiyay.
Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhowraya waxa ay qabato dowladda cusub
ee Soomaaliya oo wax badan ka duwan dowladihii Soomaaliya loo soo
dhisayay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe
ee Soomaaliya.
Magacyada & Qabiilada golaha wasiirada Cusub (Sawiro)
Axad, November 05, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta soo magacaabay Xubno wasiirro ah oo ka mid ah noqon doona Xukuumaddiisa.