Xuska Maana Xamzata Sh Uweys oo lagu qabtay Nairobi (sawiro)

0
Sunday November 25, 2012 - 21:52:21 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Maana Xamzata Sh Uweys oo lagu qabtay Nairobi (sawiro)

    Maanta oo ah maalinimo axad ah kuna beegan 25/11/12 ayaa waxaa magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi lagu qabtay xuska Khaliifad Maana Xamzada Sh Uweys oo uu dhalay shiikha Macruufka ah ee Sh Uweysul Qaadiriya oo ah shiikha dariiqada qaadiriya dalke

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo ah maalinimo axad ah kuna beegan 25/11/12 ayaa waxaa magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi lagu qabtay xuska Khaliifad Maana Xamzada Sh Uweys oo uu dhalay shiikha Macruufka ah ee Sh Uweysul Qaadiriya oo ah shiikha dariiqada qaadiriya dalkeena iyo dibadiisaba kufaafiyey kaasoo diinta Islaamka faafinteeda dalkeena meel weyn kaga jira.

Xuska Khaliifada kamid ah Khulafaadka qaadiriya oo aalaaba xilligaan oo kale lagu dhigo daafaha Caalamka aya waxaa lagu bilaabay qadmooyin qur'aan aqris ah oo loo hadiyeenayo Khaliifada iyo inta ay u nisba sheegato hadey ahaan lahaayeen dhinac waalid iyo dhinac dadka wax soo baray.

Qadmooyinka kadib ayaa waxaa sida caadada ah lagu xijiyey Salawaatka Rasuulka CSW iyo qaar kamid ah qasaa'idka Owliyada Ilaahey.

Kheyraadkaas badan kadib ayaa waaxaa la go'aamiyey in galabnimadii maanta la qabto bannaanbax lagu soo qatimayo siyaarada khaliifada Maano Xamzato sh Uweys oo kamid aheyd Khulafaadka waaweyn ee dariiqada qaadiriya kaalin weyn ugu jiray.

Waxaa Bannaaaxa ka xadreeyey xelqada uweysiya oo soo bandhigtay xadro soo jiidasho leh oo ay la dhaceen dhamaan kasoo qeyb galayaashii kasoo qeybgalay bannaanbaxa maanta ee lagu soo gunaanadayey Siyaarada Khaliifad Maano Xamzada sh Uweys.

Gaba gabadii iyo Gunaanadkii waxaa duco kusoo qatimay Sh Abuukar Sh Axmed Sh Cali oo ka mid ah Culamaa'udiinka kasoo qeyb galay siyaarada isagoo kasoo qeybgalayaasha ugu duceeyey in uu Alle dami dhaaf kusiiyo ijtimaacaan fadligiisa waxaana uu aakhirkii u duceeyey dalkeena oo dhibaatada ku habsatay isagoo Eeba uga baryey inuu dhibaatadaas ka dulqaado nabad iyo naxariisna ugu badalo .

Qaar kaid ah Ahlubeytka iyo Culamaa'udiinka kasoo qeybgalay Siyaarada

Shariif Cali Shariif Xadaad
Shariif Qaasim
Sh Abuukar Sh Axmed Sh Cali
Sh C/raxmaan Sh Maxamed (Diirshe)
Sh Cismaan Sh Muxamed
Sh Dheerow Aba Cali (Dheerow)
Sh Kumal Sh Muxidiin
Sh Bakar Sh Iiker
Sh C/llaahi Jucuf

Qaar kamid ah qudamada Siyaarada

Sh C/risaaq Maxamuud Barre madaxa qudamada
C/raxmaan Cismaan (Gacma-dheere)
Xuseen Xaaji Maxamuud
Feysal Coosey
Sayid Cumar
C/raxmaan Shiine

Qoraa: Cali Sh Axmed (Caliyare)
Sawirqaade: Maxamuud Sh Axmed Yare

Daawo Sawirada







Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip