Somaliya Oo Hub Laga Mamnuucayo Maxay Tahay Sababtu ?

0
Sunday December 02, 2012 - 15:18:45 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Hub Laga Mamnuucayo Maxay Tahay Sababtu ?

    War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mexico ayaa lagu sheegay in lagu mamnuucay iibinta hubka, diyaaradaha dagaalka iyo qalabka Milateriga oo ay ku jiraan gawaarida ciidamada dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mexico ayaa lagu sheegay in lagu mamnuucay iibinta hubka, diyaaradaha dagaalka iyo qalabka Milateriga oo ay ku jiraan gawaarida ciidamada dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Mexico ayaa lagu sheegay in wadamada Soomaaliya, Afghanistan, Pakistan, Eereteriya, Ururka Al-Qaacida iyo dowladaha doonaya inay hub soo iibsadaan aanay Dowladda Mexico ka iibineynin wax kasta oo qalab Milateri ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mexico tallaabadaasi ay u qaadeyso dhinaca nabadgelyada, waxaana warka ka soo baxay lagu muujiyay in dowladaha dhaqaalahoodu hooseeya ee aanay ka jirin Dowlad awood badan aanay hub ka iibineynin.

Dhinaca kale go'aanka ka soo baxay Dowladda Mexico ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan fadhiga Golaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ku codsatay in laga qaado xayiraada hubka ee saaran, iyadoona tallaabada Dowladda Mexico u muuqato mid culeys weyn lagu saarayo dowladda Soomaaliya inay hub ka soo iibsato dowladaha horay u maray.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip