Siyaaro Sh: Cabdi Ow Cumar & Sh: Muxumed ee London Uk (Sawiro)

0
Wednesday December 05, 2012 - 23:36:38 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaro Sh: Cabdi Ow Cumar & Sh: Muxumed ee London Uk (Sawiro)

    Waxa magaalada London ee boqortooyada dalka Ingiriiska lagu soo gaba gabeeyay siyaarada masha’iqda Soomaaliyeed ee Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar iyo Sheekha uu dhalay ee Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman Ow Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada London ee boqortooyada dalka Ingiriiska lagu soo gaba gabeeyay siyaarada masha’iqda Soomaaliyeed ee Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar iyo Sheekha uu dhalay ee Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman Ow Cumar.
Qur’aan Aqriska siyaarada oo indhawaalaba ka socday qaar kamid ah gobolada uu ka kooban yahay dalka Ingiriiska ayaa waxa lagu soo gunaanaday munaasabad aad u heer sareesa oo kadhacday South London gaar ahaan Tootin bec marka taariikhdu aheyd Sabtiga bisha 1 december 2012 kuna aadan bisha Muharram 17 sanadka 1434..

Culuma’udiin ee kamid yihiin shiikh Maxamed Kulmiye Ahmed, Shiikh Ahmed Hussein iyo Shiikh Ahmed Caato, ayaa wacdiyo aad uqiimo badnaa ujeediyay dadweynihi isaga kala yimid gobolada uu ka kooban yahay dalka Ingiriiska.

Culumada ayaa sidoo kale ku dheeraatay kasheekeenta sooyaalka taariikhda Masha’iqda la siyaaranayay ee Sheekh C/raxman Ow Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman iyadoo sidoo kale si weyn looga faalooday halganka dheer ee ugaleen sidi dadka Soomaaliyeed loo bari lahaa diinta islaamka.

Sidoo kale Culuam’udiinka Ahlusunah Waljamaac ee kaqeybgalay Xuska Siyaarada Masha’iqda Soomaaliyeed ee Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman ayaa waxey fariin ogeysiis ah oo ku aadan udiyaar garowga bisha barakeysan ee Mowliid udireen dhamaan umada muslimiinta ah ee kunool dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London in hal meel oo aad u weyn magalaada London ku taalo lagu qabto ixtifaalka lagu weyneenayo dhalashada Suubanaheeni Muxamada (CSW) iyadoo culimadana sidoo kale tilmaameen iney kaduwanaandoonta xususki hore madaame oo dhamaan hal meel leysku imanaayo

Dadweynihi kasoo qeybgalay Qatinka Siyaarada ayaa siweyn usoo dhaweeyay balan qaadka culimada ee ku aadana mideen xarumihi lagu kala xusi jiray Mowliidka nabigeeni Muxamad (CSW).

Dhanka kale waxa qasiidooyin aad umacaan badan halkaa ka aqriyay Jameecada reer Sheekh Cabdiraxman Suufi (Qudbul Banaadir) oo iyaga mar waliba xiligaan oo kale siweyn usoo camira kasoo qeybgalka xuska Masha’iqda Soomaaliyeed.

Jawiga Siyaarada ayaa kusoo idlaaday jawi wanaagsan oo aad ugu riyaaqeen dhamaan Axbaabti kasoo qeybgashay iyagoo ugu dambeentina culimada ee halka ugu duceeyeen guud ahaan Umada Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed.


W/D: Bahda Shabakada Warsheekh ee London.


http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(1).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(2).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(3).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(4).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(5).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(6).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(7).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(8).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(9).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(11).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(10).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(12).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(13).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(14).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(15).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(16).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(17).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(18).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(19).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(20).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(21).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(22).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(23).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(24).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Siy_12_London%20(25).JPG

Dhamaad

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip