Maamulka Barcelona oo kabaqaya mashruuc lagu kala jabinayo Kooxdooda

0
Tuesday January 15, 2013 - 15:50:00 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Barcelona oo kabaqaya mashruuc lagu kala jabinayo Kooxdooda

    (Laacib.net)Barcelona ayaa uga digtay tababarahoodii hore Pep Guardiola inuu isku dayo inuu ciyaartoydooda u jiido ugu danbeyn kooxda uu go’aansado inuu ku biiro xilli ciyaareedka soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net)Barcelona ayaa uga digtay tababarahoodii hore Pep Guardiola inuu isku dayo inuu ciyaartoydooda u jiido ugu danbeyn kooxda uu go’aansado inuu ku biiro xilli ciyaareedka soo socda. Guardiola oo noqday tababaraha ugu guulaha badan kooxda Barcelona isagoo ku hogaamiyay 14 koob afar sanno gudaheed ka hor inta uusan ka tagin bishii May ayaa ku maqan fasax sannad ah, waxaana la isla dhexmarayaa haatan kooxdii uu ku biiri lahaa.

“Dhamaan taageerayaasha Barca waa ay ku adkaaneysaa inay arkaan Pep oo macalin ka ah koox kale, laakiin waan la qabsan doonaa” ayuu madaxweynaha Barca Sandro Rosell u sheegay idaacada Spanish-ka RAC.1.

“Waxaan rajeynayaa inuu diirada saari doono ciyaartoy kale oo uusan u soo jeesan kuweena, marka uu bilaabayo inuu dhiso kooxdiisa cusub.”

Rosell ayaa sidoo kale ka hadlay sida Manchester City ay ugu guuldareysatay inay ka adeegato Barcelona min ciyaartoy ilaa shaqaalaheeda maamulka.

Agaasimayaashii hore ee Barcelona Ferran Soriano iyo Txiki Begiristain ayaa haatan ka shaqeynaya kooxda Premier League ka dhisan.

“Kalsooni ayaan ku qabaa ciyaartoydeena, mana arko mid ka mid ah oo doonaya inuu baxo.” ayuu yiri.

“Goor hore ayayba weerar nagu soo qaadeen heerarka kala duwan ee kooxda oo dhan ayay doonayeen laakiin cidna ma dooneynin inay baxdo. Waxay isku dayayeen inay halkaan ka kaluumeystaan laakiin cidna makaalinta uguma soo dhicin
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip