Waxaa dadka dibad baxa dhigayay socdaal dheer ay ku soo mareen fagaarayaasha magaalada sidoo kale waxaa dibad baxaan ka qayb qaatay gawaari aad ufarabadan kuwaasi oo ay ku xardhanaayeen boorar katurjumaya taageerida iyo soo dhawaynta maalinta uu dhashey nabigeena Muxamad NNKH oo ku beegan 12 bisha mowliid waxaana ay markii danbe ay kusoo biyo shubteen dibad baxyaashii garoonka kubada cagta ee Roob-da’ay.
Ugu horayntii munaasabadaan lagu soo dhawaynayay dhalashada nabigeena CSW ayaa waxaa kahadlay Macalin Nuur Xirsi Siyaad oo kamid ah mashaaiiqda waa wayn ee magaalada Caabudwaaq asagoona si wayn u soo dhaweeyay maalinta xusnka dhalashada nabiga CSWS, Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Qaadibka magaaladaas Sh. Liibaan Xaaji Maxamuud asagoona halkaasi kasheegay isku soobaxaan iyo isku imaatankaan maanta laga sameeyay magaalada Caabudwaaq inuu kusaabsan yahay soo dhawaynta dhalashada nabiga CSW asagoona sheegay in qofkasta oo maalintaan ku farxa in ilaahay abaal marin doono.
Waxaa isna halkaasi kahadlay taliyaha ciidmada Ahlusuna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya Sh Xusen (Dubad) asagoona sheegay in hadii ay yihiin ciidamada qalabka sida ee Ahlusuna Waljamaaca ay soo dhawaynayaan maalinta qiimaha badan waxaana shacabka uu ugu baaqay xasilooni iyo nabad galyo sidoo kale waxa uu sheegay in amaanka gobolka ay masuuliyad ka saaran tahay cidkasta, dhinaca kale Suldaan maxamed (Gacayte) oo kamid ah dadkii kahadlay halkaas ayaa isna halkaas waxa uu ka sheegay tix gabay ah oo uu ku amaanyo NNNK waxaana uu soo dhaweyey munasabada lagu xusayo NNKH.
Cabdikariin calas oo kamid ah nabadoona magaalada Caabudwaaq oo ka mid ahaa dadkii ka soo qaby galay dibad baxaasi ayaa umada muslimka ugu baaqay in xumaatada la iska daayo iyo qabyaalada isla mar ahaantaasna sheegay inay qabyaaladu qofna aysan meelna gaynaynin in ay cid kala kaxayso ma ahee, Sheekh Shuuriye Maxamed Salaad oo ka mid ah culimada maanta soo agaasintay banaanabxa ayaa baaq u diray dowlada fedralka Soomaaliya kaasi oo ah in ay ka hadlaan xuska nabigeena NNKH islamarkaana hadii aysan 24 saac gudahood kaga hadlin ay kala laabanayaan kalsoonidii culimada gobolada dhexe wuxuuna ugu baaqay shacabka bartamaha Somaliya in ay ka qayb qaatan Munaasabada xuska NNKH.
Ugu danbayntii ayaa halkaas waxaa hadalo kooban oo ku aadan banaanabxa maanta lagu taageerayo bisha mowliid iyo xuska NNKH ka jeediyay Gudoomiyaha dagmada Caabudwaaq Sh xasan Cabdi Calas kana mid ah madaxda Ahlusuna kaasi oo sheegay in ay markasta ayagu ay qaban qaabin jireen munasabadahan oo kale sidoo kale waxa uu ugu baqay bulshada waqooyiga Galgaduud in ay ku nooladan nabad galyo.
CODKA DADKA KA HADLAY BANAANBAXA LAGU SOO DHAWEENAYO DHALASHADAHOOS KA DHAGEYSO NABI MUXAMED CSW
Cabudwaaq iyo sida looga xusay Nabigeena Maxamed (CSW)
Dibad bax balaaran oo lagu soo dhawaynayay maalinta xuska dhalashada nabigeena Muxamad NNKH ayaa maanta kadhacday magaalada Caabudwaaq dibad baxaan oo ahaa kii ugu waynaa ee soomara magaalada Caabudwaaq lagu soo dhawaynayo maalinta xuska dhalashada n