Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamad Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ayaa laga xusay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.
Munaasabad siweyn loo soo agaasimay eena kasoo
qeybgaleen kudhawaad kumanaan Ruux ka kala yimid degmooyinka Magaalada
Nairobi iyo qaar kamid ah gobolada Dalka Kenya ayaa lagu qabtay
magaalada Nairobi.
Munaasabadaani oo ee soo qaban qaabiyeen
Muslimiinta kunool dalka Kenya gaar ahaan magaalo madaxdiisa Nairobi
ayaa waxa kasoo qeybgalay Culumo waa weyn oo siweyn loogu ictiraafo
diinta islaamka kuwaasi oo ka kala yimid Dalalka Soomaaliya, Masar,
Tanzania, Suudaan, Uganda iyo dalkan Kenya
Furitaanka xafladaani
oo bilowgi hore ku bilaabatay Banaanbax aad uqiimo badan ee horkacayeen
Imaamyada, Mudarasiinta masjidyada Ahlusunah Waljamaac ee magaalada
Nairobi iyadoo sidoo kale banaanbaxayaasha ee horkacayeen gawaari ee ku
rakiban yihiin cod baahiyayaal kuwaasi oo sii gudbinayay codadka
Culuma’udiin ah caan ah kuwaasi oo kafaaleenayay qiimaha ee maalintaan
uleedahay umada Muslimka gaar ahaan Muslimiinta kunool magaalada
Nairobi.
Muslimiinta banaanbaxa sameeneesay oo soo xirtay dhar
aad uqurxoon oo lagu xardhay amaanta suubanaheeni Muxamad (CSW) ayaa
waxey qaadayeen Salawaat aad umacaan badan kuwaasi oo soo jiitay
quluubti dadweynihi kaqeyb qaadanayaya banaanbaxa lagu weyneenayay
maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad Naxariis iyo nabad Galyo Korkiisa
ha ahaatee.
Dadweynihi banaanbaxayay iyo culimadi hogaamineesay
ayaa isugu soo aruuray barxada weyn ee dugisga hoose dhexe ee islii
kaasi oo isna kuyaalo bartamaha xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Qudbado
aad uqiimo badan ayaa waxa halkaa kasoo jeediyay Culuama’udiinka
Ahlusunah waljamac ee horkacayaan Asharaafta kuwaasi oo si aad ah uga
faalooday qiimaha iyo sharafta ee mudantahay dhalashada Nabigeeni
Muxaumad (CSW) oo la weyneeyo.
Culuam’udiin Isugu Jirto Soomaali,
Kenyaan, Masaari, Suudaanees oo eek amid yihiin Shariif Cabdulaahi
Imaamka Masjidka 12Th Street ,
Dr Xasan Kenwa, Sheekh Musdafa iyo
Qaar kale oo badan ayaa halkaa qudbado ku kala baxayo luqada kala
gedisan uga jeediyay dhamaan Mucashaqiinti Rasuulka (NNKH) ee kasoo
qeybgalay dabaal dega maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (CSW).
Jawiga Xaflada ayaa kusoo gaba gaboobay Farax iyo saruur .
Waa bahda Shabakada Warsheekh Xafiiskeeda Nairobi oo idin leh sanadkaan Kiisa Xiga Samo iyo Siyaado.
W/D: C/raxman Sheekh Cabdulaahi
Sawir Qaade: Siid Cali Sheekh Ax'ed yare
Isku Dubaridki Maxamud Sheekh Axmed yare
E-Mail: Warsheekh10@hotmail.comNairobi Kenya
Hadaba halkaan Hoose kafiirso Sawirada Oo dhan 

















































































































































































Dhamaad
Sidee Nabiga (NNKH) looga xusay Nairobi (Sawiro)
Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamad Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ayaa laga xusay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.