War Murtiyeed Quseeya Soomaaliya oo ka soo baxay kulankii Baarlamanka Yurub.

0
Friday February 01, 2013 - 10:17:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Murtiyeed Quseeya Soomaaliya oo ka soo baxay kulankii Baarlamanka Yurub.

    Fadhigii ay baarlamaanka Midawga Yurub ku yeesheen magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka ayaa waxay ka soo saareen war murtiyadeed ka kooban dhawr qodob kaasi oo diirada saaraya taageerada Midawga Yurub ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii ay baarlamaanka Midawga Yurub ku yeesheen magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka ayaa waxay ka soo saareen war murtiyadeed ka kooban dhawr qodob kaasi oo diirada saaraya taageerada Midawga Yurub ee Soomaaliya.
Qodoboada War murtiyadedkana waxaa ka mid ah.

1-Midawga Europe waxaa uu soo dhaweeyay ka gudbidii marxalada KMG iyo fursada taariikhiga ah ee ay u heshay Soomaaliya inay ka tilaabto 20 sano oo dagal socday hambaliyo baarlamanka oo dalka gudihiisa ku doortay M/weynaha.

2- Waxaa aan qaban doonaa shir lacago loogu aruurinaayo Soomaaliya waxaana aan amaaneynaa shirkii dhinacyada Soomaalida loogu qabtay Bishii Febraury 2012kii London.

3- Waxaan aan taageersanahay in M/weyne Xasan Shekh Maxamuud uu mudnaanta Koowaad siiyay amaanka oo muhiimad gaar ah leh inagoo sii wadeyna tabarada iyo dib u dhiska Ciidamada dowladda si ay Shabaab ula dagaalamaan.

4 -Waa arrin wanaagsan in dib u eegis lagu sameeyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya taas oo ay go’aamiyeen R/wasaaraha Soomaaliya iyo danjire Augustina Mahiiga lana kordhiyo dhaqaalaha lagu bixinaayo AMISOM.

5- Midowga Europe waxaa uu soo dhaweynayaa hormarinta dimuqraadiyada iyo dowlad wanaaga.

6- Midowga Europe waxaa uu sii wadayaa gurmad siinta dadka Soomaalida oo sanadkii tagay ay ku bixiyeen 60 Million oo lacagta Yurub ah.

7- Waxaan door muuqda ka qaadanay la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo aan sameynay ciidamo badan oo u gaar ah Burcad badeeda/

8- Waxaan aad uga walaacsanahay awooda sii xoogeysaneysa ee argagaxisada Soomaaliya oo weerarada shacabka ku dhibateeyaan.

9- Midawga Yurub waxaa uu aqoonsanayaa in amaanka Soomaaliya uu yahay mid qiimo weyn u leh bulshada Soomaaliyeed iyo wadamada dariska ah gacana uu ka geysan doono sugida amaanka iyadoo lala kaashanayo wadamada ku jira urur goboleedka IGAD.






Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip